Cudurrada kelyuhu waxay si toos ah u saameeyaan awoodda jidhka ee sifaynta qashinka iyo dheecaannada dhiigga, iyo sidoo kale xakamaynta cadaadiska dhiigga.
Marka kelyuhu dhaawacmaan, wasakh iyo biyo ayaa ku urura jidhka, taasoo keenta calaamado sida lallabbo, neef yari, hurdo la’aan iyo daal.
Haddii xaaladdan aan la daaweyn muddo dheer, waxay horseedi kartaa dhibaatooyin halis ah sida caabuqa kelyaha, infekshanka kaadi mareenka iyo fashil ku yimaada shaqada kelyaha.
Cudurka kelyaha ee daba-dheeraada waa dhaawac joogto ah oo kelyaha gaara, kaas oo aan dib loo daawayn karin.
Xaaladdan, ikhtiyaarada daawaynta ugu waaweyn waa sifaynta dhiigga (dialysis), oo mashiin qabto shaqada kelyaha, ama kelyo-beerid, halkaas oo bukaan lagu beero kelyo cusub oo deeq-bixiye laga helo.
Marka cudurku aad u sii daro, bukaanu wuxuu u baahan yahay daawayn joogto ah si uu u helo nolol wanaagsan balse dhib badan.
Waxaa jira xaalado caafimaad oo si gaar ah u saameeya shaqada kelyaha, kuwaas oo ay ka mid yihiin
sonkorowga oo ah sababta ugu weyn ee fashilka kelyaha, maadaama uu dhaawaco filtarrada kelyaha.
Anorexia-du waxay keentaa nafaqo-yaraan iyo isbeddel ku yimaada milixda iyo dheecaannada jirka, taasoo dhaawac u geysata kelyaha, waana sobobta keenta macdanta ka samaysan milixdu in ay ku ururuto kalyaha taas oo loo yaqaan dhagaxaant kalyaha.
Kolestaroolka sare wuxuu xanibaa xididdada dhiigga ee kelyaha, isagoo hoos u dhigaya shaqadooda, sidoo kalena kordhiya cadaadiska dhiigga.
Lupus-kuna waa cudur difaac-jir ah oo sababa in jirku weeraro kelyaha, taasoo keenta barar iyo nabar ku dhaca.
