Agaasimaha xarunta la-dagaallanka Argagixisada ee Mareykanka, Joe Kent ayaa maanta ku dhawaaqay inuu is casilay.
Wuxuu sheegay In uusan mar dambe awoodin inuu aamusnaado marka loo eego waxa uu ku tilmaamay cadaadis ay Israa’iil iyo kooxaha u ololeeya ay saareen Mareykanka si uu u galo dagaal.
Waxaa uu xusay In Iiraan aysan gabi ahaanba khatar toos ah ku ahayn Mareykanka, isla markaana uu sheegay in go’aanka dagaalka uu yimid sababo la xiriira cadaadis Israa’iil.
Sidoo kale waxaa uu xusay In mas’uuliyiin Israa’iiliyiin ah iyo shaqsiyaad saameyn ku leh warbaahinta Mareykanka ay wadeen olole marin-habaabin warbaahineed oo nidaamsan, kaas oo ujeeddadiisu ahayd in lagu kiciyo dagaal ka dhan ah Iiraan.
Wuxuu sheegay in ololahan uu madaxwaynaha Trump lagu khalday, illaa heer markii dambe la gaarsiiyay inuu aaminsanaado in Iiraan ay khatar toos ah ku tahay Mareykanka, isla markaana haddii uu hadda dhaqaaqo ay guul degdeg ah iman doonto.
Wuxuu intaas ku daray: “Arrintani waxay ahayd been, waana isla xeeladdii hore loogu adeegsaday in Mareykanka loogu jiido dagaalkii Ciraaq, dagaal sababay khasaare weyn oo naf iyo maal ah.
Wuxuu ku soo gabagabeeyay: “Ma aha inaan mar kale ku dhacno khaladkaas.”
Joseph Clay Kent, askari hore oo ka tirsanaa Ciidanka Mareykanka, iyo sidoo kale sarkaal hore oo ka tirsanaa CIA. Wuxuu xubin ka yahay Xisbiga Jamhuuriga, wuxuuna ahaa musharraxa xisbigaas ee doorashada Golaha Wakiillada Mareykanka ee degmada 3aad ee gobolka Washington sannadihii 2022 iyo 2024.
Trump, ayaa markii uu xilka hadda uu is casilay u magacaabay Joseph Kent, wuxuu ku sheegay inuu yahay halyey qaran oo Mareykanka naftiisa ku difaacay, isagoo markaa ammaan badan bixiyay, ma cadda haddii Trump uu is beddeli doono.