Ali Larijani ayaa ku eedeeyay Donald Trump in uu ka leexiyay halku-dhiggiisii “America First” una beddelay “Israel First”.

Sarkaalka sare ee amniga Iiraan ayaa qoraal uu ku daabacay baraha bulshada ku sheegay in Trump uu Bariga Dhexe geliyay qalalaase, isaga oo ku tilmaamay tallaabooyinkiisa kuwo ku saleysan “mala-awaal khaldan”, isla markaana uu hadda ka cabsi qabo khasaarooyin dheeraad ah oo soo gaara askarta Mareykanka.

Larijani wuxuu ku dooday in Trump uu danaha Israel ka hormariyay kuwa Mareykanka, isla markaana uu askarta Mareykanka u huray himilooyin uu ku tilmaamay kuwo ku dhisan rabitaan awood. Wuxuu intaas ku daray in askarta Mareykanka iyo qoysaskooda ay bixin doonaan qiimaha, halka Iiraan ay sii wadi doonto is-difaaceeda.

Hadalladan ayaa imanaya xilli xiisad siyaasadeed iyo mid amni ay ka taagan tahay gobolka Bariga Dhexe, iyadoo hadal-haynta ku saabsan doorka Mareykanka iyo xiriirka uu la leeyahay Israel ay mar kale cirka isku shareertay.

Related posts

USA oo u ogolaatay Israa’iil iib hub degdeg ah, iyo khaliijkii oo cidlo ku soo dhacay

Sacuudiga iyo Pakistan oo ka wada hadlay isku diyaarinta, dagaala iyo difaac wada jir ah

Xisbulah oo eryatay ciidamo Yuhuuda oo isku dayey hawlgal qarsoodi ah oo ay ka fulinayeen Lubnaan