Saturday, February 14, 2026

Antonio Guterres Oo ku Eedeeyay Golaha Ammaanka inay ku Guul-daraysteen Maalgalinta Howlgalk AUSSOM

by Heemaaln
1 minutes read

Antonio Guterres ayaa ku boorriyay beesha caalamka inay bixiso maalgelin joogto ah oo la saadaalin karo oo lagu taageerayo Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Waxa uu si weyn uga xumaaday in Golaha Ammaanka uu ku guuldarreystay inuu ku heshiiyo in hawlgalka nabad ilaalinta ee Soomaaliya (AUSSOM) lagu maalgeliyo qaaraan waajib ah.

Guterres oo ka hadlayay furitaanka kalfadhiga 39aad ee Shirweynaha Guud ee Midowga Afrika ee lagu qabtay Addis Ababa, ayaa ku tilmaamay hawlgalka Soomaaliya mid tijaabo u ah sida ay beesha caalamku uga go’an tahay taageerada hawlgallada nabad-ilaalinta ee ay Afrika hoggaamineyso.

“Haddii hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya uusan mudnayn taageero caalami ah, maxaa mudan?” ayuu yiri.

Madaxa Qaramada Midoobay ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo hannaan maalgelin oo la isku halayn karo si loo hubiyo waxtarka iyo sii jiritaanka hawlgalka Midowga Afrika, kaas oo taageeraya dadaallada Soomaaliya ee xasilinta dalka iyo la tacaalidda khataraha amni.

Wuxuu sidoo kale muujiyay niyad-jab ku saabsan in Golaha Ammaanka uusan gaarin is-afgarad ku saabsan adeegsiga in qaaraanka ay si khasab ah u bixiyaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay si loogu maalgeliyo hawlgalka.

Guterres ayaa intaa ku daray in Qaramada Midoobay dib u eegis ballaaran ku sameyneyso hawlgallada nabad-ilaalinta si loo hubiyo in waajibaadkoodu yihiin kuwo macquul ah, si habsami leh loo kala hormariyay, si ku filan loo maalgeliyay, isla markaana ay la socdaan qorshe cad oo kala-guur ah.

Hadaladiisa ayaa imaaanaya xilli ay socdaan wadahadallo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, isla markaana loo heli lahaa maalgelin joogto ah oo la saadaalin karo oo loogu talagalay hawlgallada nabad-ilaalinta ee ay Afrika hoggaamiso.