Heemaal News Network

Aqalka Cad Oo Beeninaya Sheegasha Trump In Uu Helay $22 tiriliyan Oo Maal Galin Ah

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa marar badan sheegay in tan iyo markii uu xilka la wareegay bishii Janaayo, Maraykanku helay ballanqaadyo maalgashi oo gaadhaya tiriliyan doollar, hase yeeshee tirada uu xuso way isbeddeshaa mar kasta oo uu mark ale sheegaayo.

Maalintii labaad ee uu xilka qabtay, Janaayo 21, Trump wuxuu sheegay in Maraykanku “horey u xaqiijiyay ku dhowaad $3 tiriliyan oo maalgashi cusub ah”.

Markii la gaaray May 8, tiradu waxay kor ugu kacday “ku dhowaad $10 tiriliyan”. Ugu dambayn, waxay gaartay heerkeedii ugu sarreeyay Oktoobar 29 intii uu socday kulan uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Koonfur Kuuriya Kim Min-seok: “Waxaan u maleynayaa in dhammaadka xilligeyga ugu horreeya aan heli doonno $21 ama $22 tiriliyan oo doollar oo lagu maalgeliyo Maraykanka, kana imanaya dad iyo dalal kale,” ayuu yiri Trump.

Tan iyo markaas, Trump wuxuu soo sheegay tirooyin maalgashi oo kala duwan:
• Noofembar 27 iyo Diseembar 2, wuxuu sheegay inay gaadhayaan ku dhowaad $20 tiriliyan.
• Diseembar 2, 3, 4 iyo 9, wuxuu sheegay qiyaastii $18 tiriliyan, tiro uu markii ugu horreysay xusay Oktoobar 10.

Mararka qaar Trump wuxuu u dhigaa ballanqaadyada inay ku dhowaanayaan tiro gaar ah, mararka kalena wuxuu yiraahdaa horey ayay u gaareen tiradaas.

Bishii May, markii Trump uu yiri, “Hadda waxaan haysannaa ku dhowaad $10 tiriliyan” oo maalgashi ah, laakiin waxaa cadayd inay been tahay. Aqalka Cad wuxuu diiwaangeliyay ugu yaraan $4.9 tiriliyan oo ka yar inta Trump sheegay.

Tiradaas $10 tiriliyan ah ayaa ku dhowaad labanlaabantay toddobadii bilood ee xigay, sida uu Trump sheegay, balse ma jirto caddeyn. Dhinaca sare, $22 tiriliyan waxay la mid noqon lahayd ku dhowaad saddex-meelood laba meel GDP-ga sanadlaha ah ee Maraykanka ee 2024, taas oo ah tiro aad u weyn, xitaa marka la eego in Maraykanku yahay dalka ugu qanisan taariikhda dunida.

Bogga Aqalka Cad wuxuu diiwaangelinayaa $9.6 tiriliyan, mana aha dhammaan wixii ku qoran boggaas kuwo cusub oo la ballanqaaday intii uu socday xilliga labaad ee Trump.

Khubaradu waxay sheegayaan inaanay jirin wax dammaanad ah in dhammaan lacagaha la ballanqaaday ay dhab ahaan hirgeli doonaan, isla markaana qaar ka mid ah maalgashigaasi ay dhici lahaayeen cid kasta oo madaxweyne ka noqota Maraykanka waqtigay doonto ha noqotee.

Aqalka Cad kama uusan jawaabin su’aalihii PolitiFact ee ku saabsanaa hadallada Trump.

Hadallada Trump iyo bogga Aqalka Cad

Hal dariiqo oo lagu cabbiri karo tirada maalgashiga ee Trump waa in la eego waxa Aqalka Cad si rasmi ah u diiwaangeliyay.

Aqalka Cad wuxuu bishii Abriil furay bog internet ah oo ay ku qoran yihiin liis dalal iyo shirkado uu sheegay inay ku dhawaaqeen maalgashi intii uu socday xilliga labaad ee Trump.

Iyadoo la adeegsanayo kaydka internetka ee Wayback Machine, tirada maalgashiga ee bogga Aqalka Cad ku qornaa waqtiyo kala duwan. Tirooyinka uu Trump adeegsaday badanaa waxay ahaayeen ugu yaraan laba jibbaar inta ku qorneyd bogga.

Toddobaadyadii u dambeeyay, markii Trump uu xusay tirooyin u dhexeeya $18 tiriliyan ilaa $22 tiriliyan, bogga Aqalka Cad wuxuu sheegay $9.6 tiriliyan.

Trump ma si sax ah ayuu u soo bandhigayaa maalgashiga shisheeye iyo kan shirkadaha?

Tirada ku qoran bogga Aqalka Cad waxay ku jirtaa yoolal rajo ku dhisan oo soconaya sannado badan, waxayna tirisaa iibsiyo mustaqbal ah oo badeecooyin ah halkii ay ka ahaan lahaayeen maalgashi raasumaal. Qaar ka mid ah qodobbada ugu waaweyn — sida ballanqaadyada dawladaha Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Qatar  waxay ka badan yihiin dhowr jeer wax-soo-saarka guud ee sannadlaha ah (GDP) ee dalalkaas, taas oo shaki gelinaysa suuragalnimadooda.

Falanqayn ay samaysay Bloomberg Economics ayaa ogaatay in $9.6 tiriliyan ee ku qornaa bogga Aqalka Cad dhammaadka Noofembar, $7 tiriliyan loo tixgelin karo “ballanqaadyo maalgashi oo dhab ah”. $2.6 tiriliyan ee harayna waxay ahaayeen heshiisyo dalal ku oggolaanayaan inay iibsadaan waxyaabo sida gaaska dabiiciga ah ama inay ballaariyaan ganacsiga mustaqbalka. Falanqayntu waxay ku tilmaantay qaar ka mid ah ballanqaadyada dalalka kale “ayna si cad u qeexnayn”.

In ka badan 80% maalgashiga ka yimid shirkadaha gaarka loo leeyahay wuxuu ka dhashay kharashaadka la xiriira sirdoonka macmalka ah (AI).

“Qaar badan oo ka mid ah ballanqaadyada uu Aqalka Cad xusay waxay ka mid yihiin mashaariic ay wadaagaan shirkado badan, taasoo adkaynaysa in la ogaado inta marar badan la tiriyay,” ayay tiri Bloomberg.

Toban qodob oo ku qornaa bogga Aqalka Cad ayaa ahaa inta badan $9.6 tiriliyan ee la faahfaahiyay. Qaar ka mid ah dukumiintiyada Aqalka Cad waxay bixiyaan faahfaahin sida shirkadaha ku lug leh iyo noocyada xarumaha ama kaabeyaasha la qorsheeyay, kuwo kalena waa kuwo aan caddayn. Qaar waa maalgashi caadi ah, halka kuwo kalena ay la xiriiraan koror ganacsi oo la saadaaliyay.

  1. Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE): $1.4 tiriliyan. Aqalka Cad wuxuu sheegay in maalgashigani diiradda saarayo kaabeyaasha AI, semiconductors, tamar, xisaabinta quantum, bayoteknoolajiyad iyo wax-soo-saar. Shirkadaha la xusay waxaa ka mid ah Boeing, GE Aerospace, Emirates Global Aluminum, ExxonMobil, Occidental Petroleum, Qualcomm iyo Amazon Web Services. Ma cadda inta ka mid ah tani ay noqon doonto maalgashi cusub. GDP-ga UAE ee 2024 wuxuu ahaa $537 bilyan, taasoo ka dhigaysa ballanqaadkan mid u dhigma saddex sano oo wax-soo-saar dhaqaale ah.
  2. Qatar: $1.2 tiriliyan. War-saxaafadeedka Aqalka Cad wuxuu ku tilmaamay “is-weydaarsi dhaqaale” halkii uu ka ahaan lahaa maalgashi hal-jiho ah. Waxaa lagu xusay shirkado ay ka mid yihiin Boeing, GE Aerospace, Raytheon, General Atomics, ExxonMobil iyo Chevron Phillips. Ku dhawaaqistu waxay isku dartay heshiisyo ganacsi, iibsiyo iyo ujeeddooyin maalgashi  waxyaabo ay falanqeeyayaashu yiraahdaan badanaa waa qorshayaal mustaqbal ah halkii ay ka ahaan lahaayeen lacag si toos ah loo geliyo. GDP-ga Qatar ee 2024 wuxuu ahaa $218 bilyan, taasoo ka dhigaysa ballanqaadkan mid u dhigma ku dhowaad lix sano oo dhaqaale ah.
  3. Jabaan: $1 tiriliyan. Aqalka Cad wuxuu sheegay in Jabaan ay ku socoto $1 tiriliyan, kadib heshiis hore oo ahaa $550 bilyan oo lagu maalgelinayo waaxyo sida semiconductors, dhismaha maraakiibta, tamar, dawooyin, biraha iyo macdanta dhammaadka xilliga Trump. Jabaan waxay sidoo kale diidan tahay in tani ay noqoto qulqul lacag hal-jiho ah. Bloomberg News waxay soo xigatay wadaxaajoodaha ganacsiga Jabaan Ryosei Akazawa oo yiri: “Ma aha in $550 bilyan oo lacag ah loo diro Maraykanka,” balse ay tahay isku-dar maalgashi, amaah iyo dammaanad amaah oo ay bixiyaan hay’ado maaliyadeed oo ay taageerto dawladda Jabaan.
  4. Meta: $600 bilyan. Aqalka Cad iyo shirkadda baraha bulshada ayaa sheegay in $600 bilyan ay ku xiran tahay qorshayaasha Meta ee kaabeyaasha AI ee Maraykanka iyo ballaarinta shaqaalaha ilaa 2028.
  5. Apple: $600 bilyan. Taariikhda dheer ee Apple ee ballanqaadyada maalgashi ee sannado badan ah waxay ka dhigan tahay in tiradan ay ku jirto ballanqaadyo hore iyo kuwo cusub. War-saxaafadeedka Apple wuxuu sheegay $100 bilyan oo dheeraad ah si loo gaarsiiyo wadarta ballanqaadka Maraykanka $600 bilyan sannado dhowr ah gudahood.
  6. Sacudi Carabiya: $600 bilyan. Maamulka ayaa sheegay in $600 bilyan ay ku lug yeelan doonaan tamarta, macdanta muhiimka ah iyo difaaca. Tiradani waxay la mid tahay ku dhowaad kala bar GDP-ga Sacuudiga ee 2024.
  7. Shirkadaha Midowga Yurub: $600 bilyan. Midowga Yurub wuxuu bishii Agoosto sheegay in “shirkadaha Yurub la filayo inay ku maalgelin doonaan $600 bilyan oo dheeraad ah waaxyo istiraatiiji ah gudaha Maraykanka ilaa 2028.” Si kastaba, hadalkaasi waa yool rajo ku dhisan, ma aha ballanqaad rasmi ah.
  8. Stargate: $500 bilyan. Isbahaysigan u dhexeeya SoftBank, OpenAI iyo Oracle ayaa lagu soo bandhigay munaasabad Aqalka Cad ka dhacday Janaayo 21. Stargate wuxuu sheegay in $100 bilyan si degdeg ah loo maalgelin doono, isla markaana ay “ujeeddo ka leeyihiin” inay $500 bilyan maalgelin doonaan afarta sano ee soo socota.
  9. NVIDIA: $500 bilyan. Aqalka Cad wuxuu sheegay in NVIDIA ay ballanqaadday inay dhisto kaabayaal AI oo qiimahoodu yahay $500 bilyan gudaha Maraykanka afarta sano ee soo socota. NVIDIA waxay sheegtay inay wado qorshayaal “aad u ballaaran”, balse tirada $500 bilyan weli waa yool.
  10. Hindiya: $500 bilyan. Waxa loo yaqaan “Mission 500” wuxuu hiigsanayaa in ganacsiga sanadlaha ah ee labada dal uu gaaro $500 bilyan marka la gaaro 2030. Laakiin tani waa yool ganacsi, ma aha ballanqaad maalgashi, waxaana dhammaadkiisu imanayaa kadib xilliga Trump.

Muhiim ahaan, khubaradu waxay sheegeen in qaar ka mid ah ballanqaadyadan aysan hirgeli doonin.

“Taariikh ahaan, ku dhawaaqista maalgashi ballaaran badanaa way ka badsadaan ballanqaadka, balse way ka gaabiyaan fulinta,” ayuu Roman V. Yampolskiy, oo ah khabiir AI ah kana tirsan Jaamacadda Louisville, u sheegay PolitiFact bishii May. “Waxay leeyihiin dhinac muuqaal-sameyn siyaasadeed ah, gaar ahaan xaaladaha siyaasadeed ee xasaasiga ah.”

Trump ma aha kii ugu horreeyay ee ka badsada sheegashada maalgashi cusub. Madaxweyne Joe Biden ayaa 2024 sheegay in sharciga CHIPS and Science Act uu soo jiitay $640 bilyan oo maalgashi gaar loo leeyahay; dhaqaaleyahanno ayaa PolitiFact u sheegay in tiradaasi ku salaysnayd wixii shirkaduhu ku dhawaaqeen, ee aan ahayn lacag horey loo bixiyay.

Go’aanka

Trump wuxuu sheegay in Maraykanku helay ballanqaadyo maalgashi oo u dhexeeya $18 tiriliyan ilaa $22 tiriliyan tan iyo markii uu xilka qabtay Janaayo.

Tirada uu Trump xuso waa ku dhowaad laba jibbaar inta ku qoran bogga Aqalka Cad. Khubaraduna waxay sheegayaan in tirada hadda ku qoran boggaas, $9.6 tiriliyan, ay tahay in si taxaddar leh loo eego.

Waxay ku jirtaa yoolal rajo ku dhisan oo sannado badan soconaya, qaarna waa iibsiyo ama iibin mustaqbal ah oo badeecooyin ah halkii ay ka ahaan lahaayeen maalgashi raasumaal.

Labada qodob ee ugu waaweyn — ballanqaadyada Imaaraadka Carabta iyo Qatar — tiradoodu waa dhowr jeer wax-soo-saarka guud ee sannadlaha ah ee dalalkaas.