Aqalka Cad oo beeniyey hadaladii Trump iyo Natanyahu ku celcelinayeen toddobaadkan

Mareykanka wuxuu si weyn ugu sii socdaa inuu xakameeyo hawada Iran, iyadoo Washington ay qorsheyneyso inay si buuxda u maamusho gudaha lix toddobaad gudahood, sida ay sheegtay xog-hayaha warfaafinta Aqalka Cad, Karoline Leavitt.

Leavitt ayaa tilmaantay in howlgallada milatari ee Mareykanka ay si tartiib tartiib ah u kordhinayaan awoodda xakameynta hawada, taasoo qeyb ka ah qorshaha guud ee ciidamada Mareykanka iyo Israa’iil ee ka socda Iran. Qorshahan wuxuu ujeedkiisu yahay in Mareykanku helo faa’iido istiraatiiji ah oo ku saabsan duulimaadyada, hubka cirka ka socda, iyo ilaalinta saldhigyada milatari ee gobolka, si loo yareeyo awoodda falalka aan la filayn ee Iran.

Hadalkan ayaa si toos ah u beeninaya warar ay horay u sheegeen Natanyahu iyo Trump labba wakhti oo kala duwan, iyaga oo warbaahinta uu Trump u sheegay in ay hadda iyagu maamulaan hawada Iiraan, dhanka kale Israa’iil ayaa sheegatay in dhamaan la burburiyey difaacii hawada iiraan, lana bilaaboyo wajiga labaad ee dagaalka.

Hadalkan ayaa yimid iyadoo xiisadaha u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil, iyo Iran ay sii kordhayaan, islamarkaana howlgalada hawada ay door muhiim ah ka ciyaarayaan go’aanada militari ee socda.

Related posts

USA oo u ogolaatay Israa’iil iib hub degdeg ah, iyo khaliijkii oo cidlo ku soo dhacay

Sacuudiga iyo Pakistan oo ka wada hadlay isku diyaarinta, dagaala iyo difaac wada jir ah

Xisbulah oo eryatay ciidamo Yuhuuda oo isku dayey hawlgal qarsoodi ah oo ay ka fulinayeen Lubnaan