Kahor inta uusan Trump kula hadlin weriyayaasha Xafiiska Oval-ka, xoghayihiisa saxaafadda ayaa jawaab ka soo saartay Joe Kent, oo markii hore iska casilay xilkii agaasimaha Xarunta Qaranka ee la-dagaallanka Argagixisada ee Maraykanka, isagoo sheegay inuusan taageeri karin dagaalka.
Xoghayaha Saxaafadda ee Aqalka Cad Karoline Leavitt ayaa baraha bulshada soo dhigtay qoraal ay ku sheegtay in Kent uu warqaddiisa is-casilaadda ku qoray ‘sheegashooyin badan oo been abuur ah.’
Gaar ahaan hadalkii Kent ee ahaa in ‘Iiraan aysan halis soo dhow ku ahayn qarankeenna’ – Leavitt waxay sheegtay in Trump uu hayay ‘caddeymo xooggan oo lagu qanci karo’ oo muujinayay in Iiraan ay weerari rabtay Maraykanka.
‘Caddeyntan waxaa laga soo ururiyay ilo iyo arrimo badan. Madaxweyne Trump marnaba ma qaateen go’aan uu ciidan ugu daabulayo ka hortagga cadaw shisheeye isagoo aan xog hayn,’ ayay tiri – iyadoo raacisay in Iiraan la siiyay ‘fursad kasta oo suurtagal ah’ si ay uga tanaasusho hammigeeda nukliyeerka.
‘Madaxweyne Trump wuxuu ugu dambeyntii go’aansaday in weerar wadajir ah oo lala qaado Israa’iil uu si weyn u yareynayo khatarta nolosha dadka Maraykanka ka soo gaari lahayd weerarka koowaad ee nidaamka argagixisada Iiraan, uuna wax ka qabanayo khatartaas soo dhow ee ku wajahan danaha amniga qaranka Maraykanka,’ ayay tiri.”