Aqalka Cad Oo War kasoo Saaray Xogtii FBI ee ahayd in Iran Weerari karto Gudaha Mareykanka

Screenshot

Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa Khamiistii sheegtay in digniin ay FBI siisay hay’adaha amniga bishii hore — oo ku saabsan in Iran laga yaabo inay weerarro drone ah ka fuliso California haddii Maraykanku weeraro Iran — ay ku salaysnayd hal xog oo aan la xaqiijin.

Waxay sidoo kale sheegtay in waligeed aysan jirin hanjabaad noocaas ah oo Iran ka timid oo ka dhan ah Maraykanka.

Digniinta qarsoodiga ah ee ay bixisay FBI, oo lagu sii maray xarunta dhexe ee sirdoonka gobolka ee Los Angeles oo ka kooban dhowr hay’adood oo amni — ayaa Arbacadii la shaaciyey.

Digniintaas waxay xustay in xog ay hay’addu heshay ay tilmaamayso in Iran ay horraantii Febraayo doonaysay inay fuliso weerar lama filaan ah oo drones ah, kuwaas oo laga soo tuuri lahaa markab, laguna beegsan lahaa bartilmaameedyo ku yaalla California haddii Maraykanku weerar ku qaado Iran.

Leavitt ayaa maanta qoraal ku daabacday X, iyadoo sheegtay in digniintaasi ay ku salaysnayd hal email oo loo diray booliska maxalliga ah ee California, kaas oo ku jiray hal xog oo aan la xaqiijin.

Waxay ku qortay:“Si cad ha loo fahmo: Ma jirto hanjabaad ka timid Iran oo ku wajahan dhulkeenna, mana jirin waligeed.”

Related posts

Warbaahinta Dawlada Iran oo Xaqiijisay in Xaaska Ayatollah Cali Khamenei ay Nooshahay

Iiraan Oo ka Hadashay Miinooyiin lagu Eedeeyay inay Dhigtay Marinka Hurmuz

Golaha Amaanka Oo Galabta Canbaareeyay Iran Balse ka Aamusay Duulaanka Maraykanka iyo Israel.