Askarta Maraykanka Oo Dacwad ka ah Saraakiil ku Wargalisay In Dagaalka Iran Lagu Fulinayo Amarka Ilaahay si Nabi Ciise Deg-deg

by Heemaaln
1 minutes read

Hay’ad xuquuqda madaniga ah MRFF, oo ka shaqeysa gudaha Mareykanka, gaar ahaan arrimaha la xiriira xorriyadda diinta ee ciidamada qalabka sida ee Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inay soo gaareen 200 dacwadood oo ay soo gudbiyeen ciidanka Mareykanka ee ka qeybgalaya dagaalka Iiraan.

Sidoo kale Askarta cabashada soo gudbiyay ayaa waxaa ku jira 11 Masiixiyiin ah, hal Muslim iyo hal Yuhuudi, kuwaasoo sheegay in saraakiisha Mareykanka ee hoggaaminaysa dagaalka Iiraan inay ku howlgaliyaan in dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan uu yahay mid lagu fulinayo amarka Ilaahay, oo lagu doonayo in lagu dedejiyo saacada dhammaadka adduunka si ay u suragasho inuu soo dego Nebi Ciise, CS, isla markaana amarka Trump ee dagaalkan inuu yahay mid uu Ciise u wakiishay si dabka looga shido Iiraan, sida uu weriyey wargeyska Middle East Eye.

Askarta cabanaysa waxay sheegeen in dagaalka loo rogayo mid diimeed oo kala qeybinaya askarta, sidoo kalena uu ka hor imaanayo dheerta askarta Mareykanka ee ah inay tahay waxa ay u dagaallamayaan difaaca Mareykanka, balse aysan u dagaallami karin si loo gaaro saacada qiyaamaha, una soo baxo Nebi Ciise, CS.

Screenshot

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.