Heemaal News Network

Baadari Leo Oo khudbadiisii Kirismaska kusoo Qaatay Dadka Dhiban Ee Reer Qaza

Baadari Leo oo maanta u dabbaaldegaya Kirismaskiisii ugu horreeyay tan iyo markii uu noqday madaxa Kaniisadda Kaatooligga ee Roma, Baadariga Leo ayaa iftiimiyay xaaladda adag ee qaxootiga iyo dadka hoyla’aanta ah.

Baadariga oo Khudbad ka jeediynayay Kaniisadda St Peter’s Basilica, ayuu si gaar ah u xusay xaalada Qaza, isaga oo sheegay in teendhooyinkeeda ay u nugul yihiin toddobaadyo roob, dabaylo iyo qabow.

Baadariga Leo ayaa sidoo kale cambaareeyay dagaalka, isaga oo ku tilmaamay “burbur iyo nabaro furan”, waxa uu dhaleeceeyay isla-waynaanta hoggaamiyeyaasha ee diraya dhalinyarada si ay u dhintaan.