Xildhibaanada mucaaradka ah ee dhawaan laga ganaaxay ka qeybgalka fadhiyada Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay guriga musharrax madaxweyne Hassan Ali Khaire. Xildhibaanadan oo isku magacaabay “Xildhibaannada Xorta” ayaa si qoto dheer uga tashanaya xaaladda siyaasadeed ee dalka, khilaafaadka ka dhex aloosan Baarlamaanka, iyo saamaynta ay arrimahani ku leeyihiin hannaanka dowladnimo iyo matalaadda shacabka.
Kulankan ayaa markii hore loo qorsheeyay inuu ka qabsoomo Hotel Jazeera, balse wuu baaqday kaddib markii Booliska Gobolka Banaadir ay hor istaageen qabsoomidiisa, islamarkaana maamulka hotelka lagu wargeliyay in la joojiyo. Arrintan ayaa sii hurisay hadal-heyn ku saabsan cadaadiska siyaasadeed iyo xaddidaadda kulamada siyaasiyiinta mucaaradka.
Ilo xog-ogaal ah oo ku dhow mudaneyaasha ayaa All banaadir u sheegay in xildhibaanadu ay si wadajir ah u diyaarinayaan war-murtiyeed rasmi ah, kaas oo lagu caddeyn doono mowqifkooda ku aaddan ganaaxyada lagu soo rogay, khilaafaadka Baarlamaanka, iyo tallaabooyinka xiga ee ay qaadi doonaan. War-murtiyeedkaas ayaa la filayaa inuu taabto baaqyo ku saabsan ilaalinta dastuurka, madaxbannaanida xildhibaanimada, iyo xal u helidda ismariwaaga siyaasadeed ee weli ka taagan Muqdisho.