Beesha Caalamka oo sheegtey in ay Dhex-dhexaadinayso Siyaasiyiinta Soomaalida

Beesha Caalamka oo sheegtey in ay dhexdhexaadinayso Soomaalida: “Waxa aan aad uga xun nahay in Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ay ku guul darraysteen inay heshiis ka gaaraan wadahaddalladii ilaa hadda dhacay.

Hoggaanka UNTMIS, oo ay weheliyaan saaxiibbada kale, waxay maanta kulan la qaateen wakiillo sarsare oo ka kala socda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

Waxaan soo dhoweynaynaa sida ay labada dhinacba uga go’an tahay inay sii wadaan dadaallada loogu raadinayo xalka.

Waxaan si adag ugu dhiirigelinaynaa in wadahadalka lagu sii wado niyad-sami. Annaga iyo saaxiibbada kaleba, waxaan diyaar u nahay inaan gacan ka geysanno dadaallada Soomaalida ee lagu raadinayo tanaasul laga gaaro arrimaha wali taagan.”

Related posts

USA oo u ogolaatay Israa’iil iib hub degdeg ah, iyo khaliijkii oo cidlo ku soo dhacay

Sacuudiga iyo Pakistan oo ka wada hadlay isku diyaarinta, dagaala iyo difaac wada jir ah

Xisbulah oo eryatay ciidamo Yuhuuda oo isku dayey hawlgal qarsoodi ah oo ay ka fulinayeen Lubnaan