Beesha Caalamka Oo War kasoo Saartay Furitaanka Marin Hormuuz Iyo Iran Oo Shuruud ku Xirtay

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Bayaan ay wada-jir u soo saareen in ka badan 20 dal oo caalamka ah, ayaa waxa ay ku caddeeyeen inay iska kaashan doonaan sida ugu habboon, uguna suurtogalsan ee dib loogu furi karo Marin biyoodka Hormuuz ee u xanniban dalka Iran.

Waxayna bayaanka ku sheegeen iney diyaar u yihiin iney gacan ka geystaan dadaalada lagu hubinayo ammniga marin biyoodka Hormus.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters,Waxayna dalalka bayaanka soo saaray kala yihiin.
Imaaraadka.
Baxreyn.
Ingiriiska.
Jarmalka.
Faransiiska.
Talyaaniga.
Japan.
Kanada.
Australia.
New Zealand.
Kuuriyada Koonfureed.
Nederland.
Denmark.
Lithuania.
Romania.
Slovenia.
Sweden.
Czechia.
Norway.
Finland.
Estonia.
Latvia.

Xidhitaanka Marin biyoodka Hormuuz ayaa saamayn weyn oo dhaqaale ku yeeshay dunida, waxaana dhinaca xukuumada Tahran ka hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabbaas Araqchi, isagoo ku dooday in furitaanka marinka Hormuuz uu ku xiran yahay joojinta dagaalka lagu soo qaaday, isagoo xusay in dalal badan ay wadaan dadaallo dhexdhexaadin ah.

Wasiirku wuxuu tilmaamay in heshiis kasta uu ku xirnaan doono shuruudo ay Iiraan hor dhigtay, isla markaana arrinta Marinka Hormuz ay weli qayb ka tahay doodaha socda.

!ran waxay sheegtay in joojinta dagaalka ay ku xiran tahay saddex shardi oo kala ah:

-in la joojiyo weerarrada,

-in magdhow laga bixiyo khasaaraha loo geystay, iyo

-in la helo dammaanad rasmi ah oo ka hortagta dagaal mar kale lagu soo qaado.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.