Bisaddu waxay inaga caawin kartaa fahamka iyo daaweynta noocyo kansar ah.

Lahaanshaha bisaddu waxay bixisaa faa’iidooyin badan oo caafimaad, oo ay ku jiraan dhimista walbahaarka iyo taageero shucuureed. Cilmi-baaris cusub ayaana soo jeedinaysa in saaxiibbadeenna dhogorta leh ay sidoo kale naga caawin karaan fahamka iyo daaweynta noocyo gaar ah oo kansar ah.

Taasi waxay ku saleysan tahay daraasad cusub oo Khamiistii lagu daabacay joornaalka Science, taasoo baadhay kansarrada ku dhaca bisadaha isla markaana ogaatay isbarbardhig weyn oo u dhexeeya sida cudurku ugu dhaco bisadaha iyo dadka.

Daraasado hore ayaa muujiyay xiriir la mid ah oo u dhexeeya eeyaha iyo dadka, balse cilmi-baaris yar ayaa si gaar ah diiradda u saartay bisadaha, sida ay sheegtay Louise van der Weyden, oo ka tirsan machadka Wellcome Sanger Institute ee Ingiriiska.

Bisaduhu, sida eeyaha oo kale, waxay noo yihiin “tusaale aad u wanaagsan,” sababtoo ah waxay nala wadaagaan deegaan isku mid ah, oo ay ku jiraan wasakhow la mid ah kan bani’aadamka, sida qiiqa sigaarka ee labaad (second-hand smoke).

Waxay sidoo kale qaadaan cudurro kale oo lala socdo kansarka, sida macaanka (diabetes) ama cudurrada wadnaha , arrin iyaduna ku dhacda dadka.

Iyagoo ka duulaya mabda’gan, koox cilmi-baarayaal caalami ah ayaa falanqeeyay unugyada burooyinka kansarka ee ku dhowaad 500 bisadood oo guri-joog ah oo ka kala yimid shan dal.

Waxay baareen 13 nooc oo kansar ah, oo ay ku jiraan kansarka maskaxda, naasaha, sambabada iyo maqaarka.

Maadaama kansarku ka dhasho isbeddel (mutations) ku yimaadda hidde-sideyaasha (DNA), cilmi-baarayaashu waxay baareen DNA-ga unugyada kansarka bisadaha si ay u raadiyaan calaamado hore loogu aqoonsaday daawada aadanaha.

Isku ekaanshooyin badan ayaa la helay, gaar ahaan kansarka naasaha.

In ka badan kala bar burooyinka naasaha ee bisadaha la falanqeeyay, hidde-side la yiraahdo FBXW7, oo hore loogu aqoonsaday dadka , ayaa laga helay isbeddel (mutation).

Noocan isbeddelka ah kuma badna dumarka qaba kansarka naasaha, balse marka uu dhaco, wuxuu noqdaa mid aad u daran oo si xun u faafa. Sidoo kale, bisadaha ayuu si la mid ah ugu noqdaa mid halis ah.

Cilmi-baarayaashu waxay sheegeen in tani ay tahay tusaale aad ugu dhow sida kansarku ugu dhaqmo dadka marka laga eego dhinaca bayoolajiga.

Haweenka uu ku dhaco noocan mutation-ka ah, helitaankan cusub wuxuu noqon karaa mid rajo leh, maadaama uu furi karo waddooyin cusub oo daaweyn.

Tijaabooyinka caafimaad ee dadka way adag yihiin maadaama bukaannada leh mutation-kan ay tiro yar yihiin. Laakiin maadaama bisado badan uu ku dhaco isbeddelkan, daaweynta si gaar ah loogu talagalay waxaa si ballaaran loogu tijaabin karaa rugaha xanaanada xoolaha.

Cilmi-baarayaashu waxay xuseen in ay si gaar ah u aamini lahaayeen dawo lagu tijaabiyay bisadaha marka loo eego jiirka, maadaama bisaduhu ay noola wadaagaan deegaan isku mid ah.

Iyagoo ku dhiirraday natiijooyinkan, cilmi-baarayaal Swiss ah ayaa sameeyay tijaabooyin dheeraad ah, waxayna ogaadeen in laba nooc oo daaweynta kimikada (chemotherapy) ah ay si wax ku ool ah uga shaqeeyaan burooyinka leh mutation-kan gaarka ah.

Natiijooyinkan wali waxay u baahan yihiin xaqiijin dheeraad ah, balse waxay si dhakhso leh faa’iido ugu yeelan karaan dumarka iyo bisadaha, maadaama daawooyinkan horey loogu oggolaaday isticmaalka dadka iyo xoolahaba.

Professor Harikrishna Nakshatri oo ka tirsan Indiana University, kuna takhasusay kansarka naasaha, ayaa ku tilmaamay natiijooyinka kuwo “xiiso leh,” isagoo sheegay in xogtan ay ka caawin karto saynisyahannada fahamka sida kansarku u bilaabmo una kobco.

Gaar ahaan, waxay gacan ka geysan kartaa fahamka sida hidde-sideyaasha iyo arrimaha deegaanka ay isula falgalaan , arrimo inta badan loo arko kuwo kiciya kansarka.

Ugu dambayn, cilmi-baarayaashu waxay sheegeen in natiijooyinkani ay noqon karaan “guul labada dhinac ah” , faa’iido u ah dadka iyo xayawaankooda ay jecel yihiin.

“Waxaan hidde ahaan aad isugu egyahay, burooyinka aan qaadnana aad bay isugu egyihiin,” ayay sheegeen. “Waxa laga barto hal nooc, kan kale ayaa lagu caawin karaa.”

Related posts

Cadaadis jidhku ku sameey dareemaha dhexe “carpal tunnel syndrome” iyo sida looga badbaado

Caabuqa ku dhaca cidiyaha, ogaanshihiisa iyo sida ugu fudud ee loo daawayn karo

Familial hypercholesterolemia (FH) waa xaalad hidde-side ah oo sababa in heerarka kolestaroolka dhiiga