Ciidamada ammaanka ee Turkiga ayaa fashiliyay unug sirdoon oo la sheegay in uu ka shaqeynayay danaha Israa’iil, kaas oo isku dayay in uu dhex galo silsiladaha sahayda isla markaana basaasnimo ku sameeyo bartilmaameedyo lagu beegsanayo Falastiiniyiinta.
Howlgal wadajir ah oo bishii hore ay fuliyeen booliska Istanbul iyo hay’adda sirdoonka Turkiga ayaa lagu soo xiray laba qof oo la sheegay in la waysnaa saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay.
Ilo ammaanka ah ayaa sheegay in unuggan uu tan iyo 2012 u shaqeynayay sirdoonka Israa’iil, isaga oo adeegsaday shirkado magac u yaal ah si uu xog uga ururiyo muwaadiniinta iyo bartilmaameedyada Falastiiniyiinta. Waxa kale oo lagu eedeeyay in ay isku dayeen dhoofinta qaybo ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) iyo qorshe ay ku dhisayeen shirkado wax dhoofiya oo ay ku dhex galaan silsiladaha sahayda.
Intii lagu jiray kulan ka dhacay dibadda bishii Janaayo 2026 oo ay la yeesheen hawlwadeennada Israa’iil, muwaadin Turki ah oo lagu magacaabo MBD kaas oo hadda la xiray ayaa la sheegay in uu ka hadlay qorshe lagu aasaasayo shirkado magac u yaal ah oo ka baxsan Turkiga.
Sida qorshuhu ahaa, alaabo aan la shaacin oo laga soo iibinayo dalal uu cayimay sirdoonka Israa’iil ayaa loo diri lahaa meelaha ugu dambeya oo ay go’aaminayeen hawlwadeennada Israa’iil.
Howlgalkan ayaa la sheegay inay ku lug lahaayeen saddex shirkadood oo si sharci ah uga diiwaangashan dalal ku yaalla Aasiya. Sida ay sheegeen ilo amni, shirkadda koowaad ayaa qaabilsanayd soo iibinta iyo dib-u-baakadaynta alaabta. Shirkadda labaad ayaa si ku meel gaar ah u kaydinaysay badeecadahaas, halka shirkadda saddexaad ay u xilsaarnayd dhoofinta alaabta, iyadoo u diraysay shirkado ay leeyihiin dadka isticmaalayaasha kama dambaysta ah ee uu hore u cayimay sirdoonka Israa’iil.
Kulankii ugu dambeeyay ee MBD uu la yeeshay hawlwadeennada bishii hore, waxaa ka mid ahaa wada hadallo ku saabsan furashada xisaabaad bangi, sameynta degel internet, furashada akoonno baraha bulshada ee shirkadda dhoofinta ah, iyo raadin shirkado suurtagal ah oo lala shuraakoobo.
Howlgalkan ayaa la mid ah weerarkii 2024 ee qalabka pager-ka ee lala beegsaday Xisbullah, kaas oo sababay dhimashada in ka badan 40 qof iyo dhaawaca in ka badan 1,500 xubnood oo ka tirsan xisbiga iyo dad kale, kaddib qaraxyo isku mar ka dhacay meelo kala duwan.
