Ku dhawaad lix boqol oo qof ayaa lagu xiray dhowr wadan oo Afrikaan ah, howlgal ka dhan ah dambiyada internetka oo ay xiriirisay hay’adda booliska caalamiga ah ee Interpol.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in howlgalka oo bishii hore laga fuliyay sagaal iyo toban dal ay sidoo kale soo heleen lacag dhan saddex milyan oo dollar.
Booliska caalamiga ah ee Interpol ayaa sheegay in ay hoos u dhigeen in ay fariisyiyeen in ka badan lix kun oo linkiyo aan wannagsaneyn – kuwaas oo dambiilayaasha ay dadka ugu soo diraan emailo ama qoraalo ay ku faafiyaan aaladahooda.
Waxa kale oo ay sheegtay in baarayaashu ay heleen lix nooc oo software madaxfurasho ah oo inta badan loo isticmaalo in lacag lagaga qaato hay’adaha iyaga oo xannibaya gelitaanka nidaamyada kombuyuutarkooda ilaa lacag laga bixiyo.
