Booliska Scotland Oo Xiray Wiil iyo Gabar Irani ah Oo Xoog ku Galay Saldhiga Ciidanka Cirka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Nin u dhashay dalka Iiraan iyo haweenay ayaa la xiray ka dib markii ay isku dayeen inay galaan saldhigga ciidanka badda ee Faslane, oo ah hoyga maraakiibta quusta ee xambaara hubka nukliyeerka ee UK.

Booliska Scotland ayaa sheegay in nin 34 jir ah iyo haweenay 31 jir ah lagu xiray saldhigga HM Naval Base Clyde abaara 17:00 galabnimadii Khamiista. Af-hayeen u hadlay ciidanka ayaa xaqiijiyay inay weli socdaan baaritaanno ku aaddan arrintan.

Ciidanka Badda ee Boqortooyada ayaa sheegay inay dadka looga shakisan yahay “ku guuldareysteen” isku day ay ku doonayeen inay ku galaan saldhigga, oo u dhow magaalada Helensburgh ee gobolka Argyll iyo Bute.

Af-hayeen u hadlay ciidanka ayaa intaas ku daray: “Maadaama ay arrintu tahay mid baaritaan uu ku socdo, wax intaas ka badan kama oranayno.” Ilaa hadda lama oga dhalashada haweenayda la xirtay.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.