Ciidamada Booliska Somaliland ayaa hawlgal ay sameeyeen gacanta kusoo dhigay laba eedaysane kuwaas oo maalintii Ciida Mobile kaga qaaday laba dumara degmada Gacmo-dheere ee magaalada Hargeysa Sida ay qabatay Kamerada qarsoon ee (CCTV).
Hawlgal dheer kadib eedaysanayaasha waxa ku guulaystay Ciidamada Qaybta Mukhaadaraadka Ciidanka Booliska, waxaana degdeg loo horgayn doonaa Ha’yaddaha Garsoorka.