Heemaal News Network

Burcad Qafaashay Dad U Socday Munaasabad Islaami ah

Dabley hubeysan ayaa afduubtay 28 qof, kuwaas oo ku sii jeeday munaasabad sannadle ah oo Islaami ah, xilli ay marayeen gobolka Plateau ee bartamaha dalka Nigeria, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ilo maxalli ah.

Dhibbanayaasha oo isugu jira haween iyo carruur ayaa la weeraray habeenkii Axadda, kadib markii baskii ay saarnaayeen lagu qabsaday inta u dhexeysa tuulooyin ka tirsan gobolkaasi.

Dhacdadan ayaa imaanaysa maalin un kadib markii dowladda Nigeria ay ku dhawaaqday in la sii daayay 130 arday iyo macallimiin, kuwaas oo bishii hore laga afduubtay dugsi ku yaalla gobolka Niger.

Wariye ku sugan gobolka Plateau ayaa sheegay in qoysaska dadka la afduubtay laga dalbaday lacago madax-furasho ah, inkastoo aysan jirin wax war ah oo rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Nigeria illaa iyo hadda.

Lama oga cidda ka dambeysay afduubkan, balse afduubka madax-furashada ah ee ay fuliyaan kooxo dambiilayaal ah oo maxalli ahaan loo yaqaan burcad ayaa noqday mid si joogto ah uga dhaca waqooyiga iyo bartamaha Nigeria.

Inkasta oo bixinta madax-furashada ay sharci-darro tahay, haddana waxaa la rumeysan yahay in arrintaasi ay marar badan horseedday sii deynta dadka la haysto, taasoo kooxaha dambiilayaasha ah u noqotay ilo dhaqaale.

Mas’uuliyiinta ayaa caddeeyay in dhacdadan aysan la xiriirin kacdoonka Islaamiga ah ee muddo dheer ka socday waqooyi-bari Nigeria, halkaas oo kooxo hubeysan ay dagaal kula jireen dowladda in ka badan toban sano.

Amniga dalka Nigeria ayaa mar kale soo jiitay indhaha caalamka bishii November, kadib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku hanjabay in uu ciidamo u diri doono dalkaasi, isagoo ku eedeeyay in Masiixiyiinta si gaar ah loo bartilmaameedsanayo.