Burkino Faso Oo Diiday soo Jeedinta Maraykanka.

Burkina Faso ayaa diiday soo jeedin ay Mareykanku u gudbiyeen oo ahayd in dalkaas uu aqbalo muhaajiriinta laga soo tarxiilayo Mareykanka, taas oo qayb ka ah ololaha cusub ee Madaxweyne Donald Trump ee xakamaynta muhaajiriinta. qorshahaas oo ku saleysan in dadka la tarxiilayo loo diro dalal saddexaad oo aanay xiriir la lahayn.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Burkina Faso, Karamoko Jean-Marie Traoré, ayaa ku tilmaamay soo jeedintaas mid “aan sharaf lahayn” isla markaana “ka hor imanaysa mabda’a karaamada,” isagoo yiri: “Burkina Faso waa dhul si karaamo leh lagu yimaado, ee ma aha meel lagu tuuro dadka.”

Dalalka sida Ghana, Rwanda, Uganda, Eswatini, iyo South Sudan ayaa horey u oggolaaday inay aqbalaan dadka laga soo tarxiilayo Mareykanka.

Related posts

M/Putin Oo Sheegay inuu Diyaar u yahay In Shidaal Uu ka Iibiyo dalalka Yurub iyo Maraykanka

Itoobiya Iyo Israel Oo Sare U Qaadaya Xiriirkooda Xili Dagaalka Iran Meel Adag Marayo.

Sarkaal ka Tirsanaa Sirdoonka Ciidmada Badda ee Mareykanka Oo Xog Xaasaasi ah Bixiyay.