Canada oo u yeertay kooxda amniga ee OpenAI kadib toogasho iskuul

by Heemaal
1 minutes read

Wasiirka Sirdoonka Macmalka (AI) ee Canada ayaa u yeeray wakiillo ka socda OpenAI magaalada Ottawa kadib markii la ogaaday in dhalinyaradii ka dambeysay toogashadii Tumbler Ridge, British Columbia, laga xanibay isticmaalka ChatGPT bilo ka hor weerarka.

Wasiirka Sirdoonka Macmalka iyo Hal-abuurka Dijitaalka, Evan Solomon, ayaa Isniintii sheegay in shirkaddu ay joojisay akoonka Jesse Van Rootselaar bishii Juun kadib markii lagu arkay waxyaabo walaac leh, balse aysan booliska wargelin sababtoo ah waqtigaas ma aysan arkin khatar la hubo ama mid degdeg ah, sida ay sheegtay CBC News.

Van Rootselaar ayaa 10-kii Febraayo dishay hooyadeed iyo walaalkeed (half-brother), ka hor inta aysan aadin dugsi sare oo deegaanka ah, halkaas oo ay ku dishay shan arday iyo kaaliye waxbarasho, kadibna ay is dishay, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.

Wargeyska The Wall Street Journal ayaa markii ugu horreysay soo wariyay in akoonka la calaamadeeyay sababo la xiriira qoraallo ay ku jireen xaalado ku saabsan rabshado hubaysan. OpenAI ayaa sheegtay inay la xiriirtay Royal Canadian Mounted Police kadib toogashada, isla markaana xaqiijisay in hoggaamiyeyaal sare ay u safri doonaan Ottawa si ay ula kulmaan mas’uuliyiinta Canada ugana wada hadlaan tallaabooyinkooda amniga iyo heerarka warbixinta.

Solomon ayaa sheegay inuu “aad uga naxay” warbixinnada, isla markaana uu shirkadda ka codsaday inay sharaxdo siyaasadaha ay ku kordhiyaan (escalation policies) xaaladaha halista ah. Wuxuu ka gaabsaday inuu sheego in Ottawa qorsheyneyso inay sharciyeyso ama xakameyso chatbots-ka AI, isagoo intaas ku daray in dhammaan ikhtiyaarrada la tixgelinayo.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.