Carlo Ancelotti oo ka reebay liiskiisa cayaartoyda Neymar, siina kordhiyey shakigii laga qabay,,

by Heemaal
1 minutes read

HS: Tababaraha xulka qaranka Brazil, Carlo Ancelotti, ayaa mar kale ka reebay weeraryahanka caanka ah Neymar liiska ciyaartoyda loogu yeeray kulamada saaxiibtinimo ee ay la ciyaarayaan Croatia.

Neymar, oo hadda u ciyaara kooxda Santos FC, ayaan lagu darin xulka qaranka kulamadan, taasoo sii kordhisay su’aalaha laga qabo mustaqbalkiisa caalami ah. Si kastaba ha ahaatee, Ancelotti ayaa si cad u sheegay in albaabku uusan weli ka xirneyn Neymar, isla markaana uu wali fursad u haysto inuu ka qeyb galo FIFA World Cup ee soo socda.

Ancelotti ayaa sheegay in go’aanka uu ku saleeyay arrimo la xiriira diyaar garowga jirka iyo xulashada ciyaartoyda hadda qaab ciyaareed fiican ku jira. Wuxuu tilmaamay in Neymar uu wali yahay ciyaaryahan muhiim ah oo khibrad weyn leh, balse loo baahan yahay inuu si buuxda ugu soo laabto heerkiisii ugu sarreeyay si uu mar kale ugu biiro xulka.

Ka maqnaanshaha Neymar ee kulamadan saaxiibtinimo ayaa imanaya xilli Brazil ay dooneyso inay tijaabiso ciyaartoy cusub oo dhallinyaro ah iyo isku-darka kooxeed ee ugu habboon, ka hor tartamada waaweyn ee soo socda.

Inkasta oo uu mar kale seegay fursad uu ku matalo dalkiisa, haddana fariinta kasoo baxday tababaraha ayaa cad: Neymar wali lagama quusan, waxaana gacantiisa ku jirta inuu dib ugu soo laabto xulka haddii uu muujiyo qaab ciyaareed sare.

Heemaal Sport.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.