Ceerigaabo: Wasiiro ka Tirsan Somaliland Oo Beesha Warsan-gali kala Hadlay Amniga Gobolka Sanaag.

by Heemaaln
0 minutes read

Wasiirka Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland, Siciid Sheekh Maxamed Buraale Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Cali Jaamac Bureed, iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Jamaal Jaamac Xaamud, ayaa kulan la qaatay odayaasha iyo waxgaradka beesha Warsangeli ee degmada Ceerigaabo.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha nabadda, adkaynta iyo xoojinta wadajirka bulshada, iyo sidoo kale sidii loo horumarin lahaa magaalada Ceerigaabo iyo guud ahaan gobolka.

Wasiirrada iyo odayaasha kulanka yeeshay ayaa isla qaatay in la sameeyo guddi kooban oo ka shaqaysa horumarinta magaalada iyo xoojinta nabadda

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.