Ciidamada gurmadka degdega ah ayaa la tacaalaya dab ka kacay duleedka magaalada Tel Aviv, kadib markii ciidammada ilaalada kacaanka Iran ee IRGC ay sheegeen in ay weerar gantaallo ah ay ku qaadeen Israa’iil, xilli ay si wadajir ah u wada hawlgalayeen ururka Xisbullah,sida ay baahiyeen warbaahinta dowladda Iran.
Digniin dhanka cirka ah ayaa laga maqlay Tel Aviv, bartamaha Israa’iil iyo qeybo ka mid ah Daanta Galbeed ee la haysto.