Ciidamo u dhashay UK oo ku sugan saldhig militari oo ku yaalla Iraq ayaa la weeraray iyada oo la adeegsanayo diyaarado aan duuliye lahayn (drones) laga leeyahay Iran, sida ay ogaatay BBC News.
Ma jirin askar British ah oo ku dhaawacantay weerarka, balse qaar ka mid ah askarta United States ayaa ku dhaawacmay.
Saldhigga reer galbeedka ee ku yaalla Erbil ee waqooyiga Iraq waxaa gacanta ku haya Maraykanka, balse marar badan waxaa ku sugan ciidamada kale ee waddammada isbahaysiga la ah, oo ay ku jiraan kuwa British-ka.
Ciidamo British ah ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay loo diray gobolka si ay u soo ridaan drones-ka Iran.
Waxaa la fahamsan yahay in laba drone oo Iranian ah oo ku socday saldhiggaas la burburiyay habeenkii Arbacada iyada oo la adeegsanayo gantaallo dhulka ka kacaya ee lagusoo rido droneska.
Si kastaba ha ahaatee, tiro aan la cayimin oo gantaallo ama walxo kale ah ayaa ku dhacay saldhigga, taasoo keentay dhaawac soo gaaray askar Maraykan ah, inkastoo la sheegay in dhaawacyadu aanay ahayn kuwo culus.