12
Ciidamo Itoobiyaan ah oo wata gaadiid gaashaaman ayaa ka soo gudbay xuduudda gobollada Gedo iyo Bakool, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanku.
Goobjoogayaal ku sugan magaalada Doolow ayaa sheegay inay arkeen kolonyo ciidan oo ka kooban ilaa 23 baabuur, kuwaas oo ku sii jeeda dhanka Luuq.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamadan ay ku wajahan yihiin gobolka Bay, halkaas oo ay ka taagan tahay xiisad la xiriirta doorashada maamulka Koonfur Galbeed, oo maanta dib loogu doortay Cabdicasiis Laftagareen.