Ciidamo ku Hubeysan Gaadiid Dagaal Oo Caawa Lagu Daadiyey Wadooyinka gala Guriga Sheekh Shariif

by Heemaal
0 minutes read

Ciidamo hubeysan iyo gaadiid dagaal ayaa caawa lagu daadiyey wadooyinka gala guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Askar fara badan ayaa la dhigay waddooyinka Hotel Afrik, jidka aada Garoonka Diyaaradaha iyo aagga Buulo Xuubeey, iyadoo dhaq-dhaqaaqyadaas ay abuureen hadal-hayn iyo walaac amni.

Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa tallaabadan, mana jiro war ka soo baxay hay’adaha dowladda. Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli isla caawa la sheegay in qaar ka mid ah madaxda loo diiday inay galaan xerada Xalane.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.