Reuters ayaa werisay in ciidamo ka tirsan United States Marine Corps ay rasaas fureen intii lagu jiray mudaharaad lagu weerarayay qunsuliyadda maraykanku ku leeyahay Karachi.
Warbixintu waxay soo xiganaysaa laba sarkaal oo Maraykan ah, waxaana tani noqotay xaqiijintii ugu horreysay ee muujinaysa in Marines-ku ay rasaas rideen intii uu socday banaanbaxu.
Sarkaaladan ayaa sheegay in aan weli la hubin in rasaasta ay Marines-ku rideen ay ku dhacday ama dishay cid ka mid ah dibadbaxayaasha. Sidoo kale lama oga in rasaas ay rideen dad kale oo ilaalinayay xarunta, sida ilaalada gaarka loo leeyahay ama booliska maxalliga ah.
Ugu yaraan 10 qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen rabshadaha ka dhacay Karachi, kaddib markii dibadbaxayaashu jebiyeen darbiga dibadda ee xarunta. Afhayeen u hadlay gobolka, Sukhdev Assardas Hemnani, ayaa sheegay in “ciidamo amni” ay rasaas fureen, balse ma uusan caddeyn hay’adda ay ka tirsanaayeen.
Dhanka kale safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay inay joojisay wareysiyada fiisaha iyo ballamaha adeegga muwaadiniinta sababo la xiriira xaalad amni oo halis ah isla markaana shaqaalaha Mareykanka lagu amray inay dhaqdhaqaaqooda xaddidaan ilaa amar dambe. Taariikhda cusub ee ballamaha lama sheegin, waxaana dadka la ballansan waxay filan karaan in dib loo qorsheeyo marka xaaladdu degto. Dadka Mareykanka degan Pakistan ayaa sidoo kale lagu wargeliyay inay ka fogaadaan dadweynaha tirada badan oo ay feejignaadaan xaaladdooda amni.