Ciidanka Booliska Somaliland oo War Kasoo Saaray Qoys Dhibane u ah Meherad Ganacsi oo Hargeysa Ku Taala
“Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa maanta soo gaadhay muuqaal cabasho ah oo ay soo gudbiyeen qoys degan magaalada Hargeysa, kuwaas oo cabasho ka muujiyey Ganacsade iyo xubno ka tirsan Ciidanka Booliska.
Haddaba, Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu si xushmad iyo tixgelin leh uga codsanayaa qoyskaasi in ay yimaaddaan Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, si cabashadooda loogu baadho .
Ciidanka Boolisku waxa uu mar walba u taagan yahay ilaalinta sharciga, caddaaladda , sharafta iyo badqabka muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland.”
