15
Wargeyska Faransiiska ka soo baxa ee Le Parisien, ayaa maanta ku warramay inay ciidanka Faransiiska ka hortageen iskuday lagu qarxin lahaa bankiga Mareykanka ee Bank of America oo ku yaal degmada 8 aad ee magaalada Paris.
Sidoo kale Ciidan hore ugu Sugnaa goobta ayaa qabtay nin sitay walxaha qarxa oo gacanta lagu farsameeyo, wuxuuna u sheegay Booliiska in 600 Yuuro la siiyay, markii koox uusan garanayn ay kala soo xiriireen barta Snapchat, si uu qaraxyo u dhigo dhismaha bankiga.