Ciyaartii ka dhacday Villa Park ayaa mar kale dib u hurisay doodda ku saabsan baahida loo qabo VAR

Guushii 3-1 ee Newcastle ka gaartay wareegga afraad ee FA Cup ay kula ciyaareen Aston Villa waxa ay ahayd mid muran badan dhalisay, iyadoo VAR mar kale noqotay qodobka ugu weyn ee laga hadlay  inkastoo aan la adeegsan kulankan. Xilli ciyaareedkan iyo kii hore ee FA Cup, VAR lama soo daarin ilaa wareegga shanaad, iyadoo taageerayaal badan ay sugayeen.

Laakiin garsoore Chris Kavanagh waxa uu hubaal jeclaan lahaa in uu haysto VAR oo uu ku tiirsanaado Villa Park, kadib gool martigeliyeyaashu dhaliyeen oo offside ahaa, rigoore cad oo Newcastle loo diiday, iyo ugu yaraan saddex go’aan oo kale oo muran dhaliyay oo saameyn ku yeelan karay natiijada.

Newcastle  oo inta badan go’aamada laga qaldamay waxay u gudubtay wareegga 16-ka, balse tababare Eddie Howe ma qarin karin niyad-jabkiisa ku aaddan garsoorayaasha.

Goolkii furitaanka ee Tammy Abraham ee Villa wuxuu ahaa offside, kubbad gacanta ku dhacday Lucas Digne qeybtii labaadna waa in rigoore laga dhigi lahaa halkii laga dhigay laad xor ah oo bannaanka xerada ganaaxa ah. Digne sidoo kale wuxuu nasiib u yeeshay inuusan qaadan kaarka casaanka ah kadib qalad halis ah oo uu ku galay Jacob Murphy.

Howe wuxuu yiri: “Waan kala jiidmaa, sababtoo ah ciyaartu way ka xiiso badan tahay marka VAR uusan jirin  marka la eego dareenka iyo muuqaalka taageerayaasha iyo annagaba marka aan si toos ah u noolaano daqiiqadda.

“Laakiin VAR waxay keentaa go’aamo sax ah. Waxay ciyaarta ka dhigtaa mid go’aannadu ka saxnaan badan yihiin garsoorayaasha. Waa inaad ixtiraamtaa daqiiqadahaas qiimo weyn bay leeyihiin.

“Marka VAR jirto, mararka qaar waxaa jira dareen ah, ‘waan iska daynayaa inaan go’aan bixiyo sababtoo ah VAR baa hubin doonta’. Markaas go’aan-qaadashadu ma noqoto mid fiiqan sida caadiga ah. Waxaa laga yaabaa in halkaas farqi jiro.

“Mar walba waan ku kala jiidmaa VAR, sababtoo ah waan jeclahay dareenka saafiga ah marka gool la dhaliyo oo aadan arag calan la taagay ama maqalin foori, adigoo og in goolku taagnaanayo oo cidna kaa qaadi karin.

“Laakiin dhinaca kale, goolka ay naga dhaliyeen maanta waxaan jeclaan lahaa in VAR jirtay – runtii inta badan ciyaarta oo dhan.”

Dhanka Villa, iyaguna waxay ka fikiri doonaan kaarka casaanka tooska ah ee loo taagay goolhayahooda Marco Bizot waqtigii dheeriga ahaa ee qeybtii hore iyagoo hoggaaminaya 1-0, sidoo kalena waxay ku doodi karaan in Dan Burn uu offside ahaa markii Newcastle barbareysay goolka uu dhaliyay Sandro Tonali.

Tababaraha Villa, Unai Emery, wuxuu yiri: “Maanta way caddahay in VAR ay lagama maarmaan tahay. Waxay u baahan tahay in ay caawiso garsoorayaasha.”

Kadib xilli ciyaareed ay VAR si joogto ah u ahayd qodobka laga hadlo toddobaad kasta, ma muujisay toddobaadkan aan VAR la isticmaalin dhibaatooyinka suurtagalka ah?

Weeraryahankii hore ee England Alan Shearer ayaa BBC Match of the Day u sheegay: “Shan ama lix bilood ayay ku tiirsanaayeen VAR, markaas ayay galaan xaalad noocan ah oo wax walba is beddelaan.

“Inkastoo ay igu adagtahay inaan difaaco, haddana xaqiiqadu waa inay haysteen VAR muddo dheer, kadibna waxay galaan kulan weyn oo aan VAR lahayn, taasna way ku adag tahay.

“Waxaan rabaa in garsoorayaashu shaqadooda si sax ah u qabtaan. Ma ahan wax badan oo la dalbanayo, miyaanay ahayn?

“Haddii aad rabto caddeyn ku saabsan sida VAR u saameysay garsoorayaasha, maanta waa tusaale fiican. Waxay u muuqdeen kuwo ka cabsanaya go’aan qaadashada sababtoo ah ma haysan ‘bustaha amniga’ ee VAR.”

‘Mid ka mid ah go’aamadii ugu xumaa ee aan ku arkay kubbad cagta’

Markii dib loo eegay muuqaalada, goolka Abraham waa in si cad loo diidi lahaa offside darteed, balse go’aankii aan rigoore laga dhigin kubbadda gacanta ee Digne ayaa dadka badankiisa hadal la’aan ka dhigay.

Digne wuxuu ku jiray ugu yaraan hal yard gudaha xerada ganaaxa markii lagu qabtay kubbad gacanta, balse si yaab leh Kavanagh wuxuu bixiyay laad xor ah  taas oo ugu dambayntii Newcastle ka dhalisay goolka barbaraha ee daqiiqaddii 63aad.

Wayne Rooney ayaa Match of the Day Live ku yiri: “Go’aankaas waa mid ka mid ah go’aamadii ugu xumaa ee aan ku arkay kubbad cagta, sababtoo ah Digne marnaba kama uusan bixin xerada ganaaxa.

“Wuxuu ku jiray saddex ama afar yard gudaha. Kaaliyaha garsooraha ayaa si cad uga horreeyay dhacdada, si cadna waad u arki kartaa inta uu gudaha ku jiro.

“Garsooruhu wuxuu u muuqday inuu fooriyay isagoo dhegeysanaya qof dhagta kula hadlaya, markaa waxaan u maleynayaa in kaaliyuhu bixiyay go’aanka, waana mid aad u xun.”

Shearer ayaa ku daray: “Waxaa laga yaabaa in garsooraha wax yar laga cudurdaari karo inuusan arkin.

“Laakiin wax cudurdaar ah uma jiro kaaliyaha, oo 10-15 yard u jiray, Nick Greenhalgh, oo maanta qaladaad badan galay.

“Ma ahan go’aan adag. Runtii waa mid fudud. Heerkan waa in la bixiyo. Ma jirto wax cudurdaar ah oo uu kaaliyuhu ugu sheegi waayo garsooraha inuu si buuxda u qaldamay.”

Related posts

Kabtanka Liverpool Virgil van Dijk “Waxaan Jeclaan Lahaa In Uu Saalax Nala Joogo”

Martin Zubimendi Ma Cayaartoyga Ugu Fiican Arsenal-baa?

Igor Tudor oo la wareegay Tottenham Hotspur. “dagaal badan, weerar toos ah iyo dadaal joogto ah”