Guudmar
HH: Cudurrada is-difaaca jirka (autoimmune) waa koox cudurro ah oo uu nidaamka difaaca jirku si qalad ah u weeraro unugyada iyo xubnaha jirka laftiisa. Caadi ahaan, hab-difaaca jirku wuxuu difaacaa jirka isaga oo la dagaallama waxyaabaha shisheeye sida bakteeriyada iyo fayrasyada. Laakiin marka khalad dhaco, wuxuu u arkaa unugyada jirka kuwo shisheeye, wuxuuna bilaabaa inuu weeraro.
Cudurradan waxay ku dhacaan qiyaastii 5% dadka. Waxay ku dhici karaan carruur, rag iyo dumar da’ kasta leh, balse dumarka da’da taranka (15–45 sano) ayaa ugu badan.
Sababaha
Sababta saxda ah ee cudurradan weli si buuxda looma oga, balse waxaa la rumeysan yahay inay ku lug leeyihiin:
- Hidde-side (genetic): Qofka ayaa u nuglaada inuu cudurka qaado
- Hoos u dhac aqbalaadda nafta (self-tolerance): Jirku wuu kala saari waayaa naftiisa iyo wax shisheeye
- Arrimo deegaanka: Fayrasyada, bakteeriyada, ama sunta deegaanka
- Isbeddel hormoon: Gaar ahaan dumarka
Sida uu Cudurka u Dhaco (Habka Gudaha)
- Unugyada difaaca jirka sida B-cells iyo T-cells ayaa firfircoonaada
- B-cells waxay soo saaraan auto-antibodies (ka-hortagyo khaldan)
- T-cells waxay si toos ah u weeraraan unugyada jirka
- Waxaa la sii daayaa cytokines (walxo kiciya bararka)
Natiijadu waa:
Barar joogto ah (chronic inflammation)
Waxyeello ku dhacda xubnaha jirka
Calaamadaha
| Calaamad | Xubnaha Saameysan | Sharaxaad |
| Daal | Jirka oo dhan | Dareen tamar la’aan ah |
| Qandho | Difaaca jirka | Marka cudurku firfircoon yahay |
| Xanuun kala-goys | Kala-goysyada | Barar iyo adkaansho |
| Murqo xanuun | Murqaha | Daciifnimo |
| Barar | Kala-goysyada | Barar muuqda |
| Finan | Maqaarka | Falcelin difaac |
| Timaha oo daata | Madaxa | Weerar difaac |
| Qallayl | Indhaha & afka | Dheecaan yaraanta |
| Dareen la’aan | Gacmo/cag | Dhibaato neerfaha |
| Calool xanuun | Mindhicirka | Shuban & dheef-shiid xumo |
Kooxaha Waaweyn ee Cudurrada
| Cudur | Xubnaha La Weeraro | Calaamadaha |
| Rheumatoid arthritis | Kala-goysyada | Xanuun & barar |
| Sonkorow Nooca 1 | Qanjirka insulin | Sonkor sare |
| Multiple sclerosis | Neerfayaasha | Daciifnimo |
| IBD | Xiidmaha | Shuban |
| Lupus | Xubno badan | Daal & finan |
| Psoriasis | Maqaarka | Finan |
| Hashimoto | Thyroid | Daal |
| Graves | Thyroid | Wadno garaac |
| Myasthenia gravis | Murqaha | Daciifnimo |
Sida Loo Ogaado
| Habka | Ujeedada |
| Taariikh caafimaad | Fahamka calaamadaha |
| Baaritaan jireed | Ogaanshaha barar |
| Baaritaan dhiig | Autoantibodies & caabuq |
| Sawir (MRI/CT) | Aragti gudaha jirka |
| Biopsy | Xaqiijin |
| Baaritaanno gaar ah | Qiimeyn shaqo xubno |
Daawaynta
- Daawooyinka Ka-hortagga Bararka (NSAIDs)
| Daawo | Waxa ay qabato | Faa’iido | Waxyeelo |
| Ibuprofen | Xanuun yareeya | Degdeg | Calool xanuun |
| Naproxen | Barar yareeya | Waqti dheer | Calool dhibaato |
| Diclofenac | Xoog badan | Wax ku ool | Dhiig-bax |
Kaliya calaamadaha ayay dejinayaan
- Steroids (Kortikosteroids)
| Daawo | Waxa ay qabato | Faa’iido | Waxyeelo |
| Prednisolone | Joojiya barar | Degdeg | Cayil |
| Prednisone | Xakameeya difaac | Xaalado daran | Dhiig-kar |
| Dexamethasone | Aad u xoog badan | Degdeg | Laf daciif |
Lama isticmaalo muddo dheer
- Immunosuppressants
| Daawo | Waxa ay qabato | Faa’iido | Waxyeelo |
| Methotrexate | Joojiya difaac | Yarayn dhaawacyada | Lalabbo |
| Azathioprine | Hoos u dhig difaac | Ka hortag dhaawac | Infekshan |
| Cyclosporine | Xakameeya difaac | Xaalado adag | Kelyaha |
| Mycophenolate | Joojiya unugyada difaac | Lupus-ka ayay si gaar ah u xakamaysaa | Infekshan |
Kuwani waa daaweynta ugu muhiimsan
- Biologics (Daawooyin Casri ah)
| Daawo | Bartilmaameed | Faa’iido | Waxyeelo |
| Adalimumab | TNF | Waxtar sare | Infekshan |
| Infliximab | TNF | Xoog leh | Jeebkay dhaawacdaa |
| Etanercept | TNF | Degdeg | Infekshan |
| Rituximab | B-cells | Sax ah | Difaac hoos |
- Daawooyin Gaar ah
| Cudur | Daawo |
| Sonkorow 1 | Insulin |
| Lupus | Hydroxychloroquine |
| Arthritis | Sulfasalazine |
| Hashimoto | Levothyroxine |
Qalliinka
Waxaa la sameeyaa marka:
- Xubin si daran u dhaawacantay
- Kala-goys la beddelayo
Dib-u-kabasho
- Jimicsi
- Nafaqo wanaagsan
- La socod joogto ah
Sida Aad Isugu Diyaarin Lahayd Ballanta
- Qor calaamadaha
- Qor hadii aad qaadato daawooyin.
- Warsi dheer la yeelo ehelkaaga hadii ay jiraan dad leh calaamadaha ku haya.
Su’aalaha Dhakhtarka
- Goorma ayuu cudurku bilaabmay?
- Maxaa ka sii dara?
- Qoyskaaga ma ku jiraa?
Waxa Aad Samayn Karto
- Cun cunto caafimaad leh
- Samee jimicsi
- Ka fogow sigaarka
- Maamul walbahaarka
Cudurrada is-difaaca jirka waa xaalado adag oo muddo dheer socon kara, balse daaweyn sax ah iyo nolol caafimaad leh ayaa si weyn u xakameyn karta. Fahamka cudurka iyo raacista talada dhakhtarka ayaa ah furaha ugu muhiimsan ee lagu noolaan karo nolol caadi ah.
Heemaal Health