Cumaan ayaa xaqiijisay in wadahadallada Mareykanka iyo Iiraan ay ka dhici doonaan Geneva Khamiista

by Heemaal
3 minutes read

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan, Badr Al Busaidi, ayaa xaqiijiyay in wadahadallo dheeraad ah oo u dhexeeya Maraykanka iyo Iran ay ka dhici doonaan Khamiista magaalada Geneva, xilli xiisadda labada dal ay sii kordhayso.

Qoraal uu Axaddii ku daabacay baraha bulshada, Al Busaidi wuxuu ku yiri: “Waxaan ku faraxsanahay inaan xaqiijiyo in wadaxaajoodyada Maraykanka iyo Iran loo asteeyay Geneva Khamiistan, iyadoo la rajeynayo dadaal togan oo lagu dhammeystiro heshiiska.”

Xiisadda iyo Kordhinta Ciidamada

Ku dhawaaqista ayaa timid iyadoo Maraykanku sii kordhinayo qalabkiisa militari ee Bariga Dhexe, taasoo dhalisay walaac ku saabsan suurtagalnimada dagaal ballaaran oo ka dhan ah Iran.

Saacado ka hor warkan, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa sheegay in Tehran ay diyaar u tahay inay hirgeliso “hannaan kormeer oo buuxa” si loo xaqiijiyo in barnaamijkeeda nukliyeerku yahay mid nabadeed, loona dejiyo xiisadda.

Wareysi uu siiyay CBS News, Araghchi wuxuu sheegay in kobcinta (enrichment) uranium-ka gudaha Iran ay tahay arrin sharaf iyo karaamo u ah shacabka Iran. Wuxuu xusay in saynisyahannadooda ay si madax-bannaan u horumariyeen tiknoolajiyadan, isla markaana ay ku bixiyeen qiimo culus, oo ay ka mid yihiin cunaqabatayno muddo labaatan sano ah, dilal lala beegsaday saynisyahanno Iiraani ah, iyo weerarro lagu qaaday xarumaha nukliyeerka.

Wuxuu sheegay in Iran, iyadoo xubin ka ah Heshiiska Ka-hortagga Faafinta Hubka Nukliyeerka (NPT), ay diyaar u tahay wada shaqeyn buuxda oo ay la yeelato hay’adda kormeerka nukliyeerka ee Qaramada Midoobay, International Atomic Energy Agency (IAEA). Si kastaba, wuxuu carrabka ku adkeeyay in Iran ay xaq u leedahay tamar nukliyeer oo nabadeed, oo ay ku jirto kobcinta uranium-ka.

Kobcinta waa hab lagu kala sooco nooca uranium-ka ee awood u leh inuu keeno falcelin nukliyeer. Heerar hoose ayaa loo adeegsadaa koronto-dhalin, halka heerar gaaraya qiyaastii 90% loo adeegsan karo hub nukliyeer.

Mowqifyada Maraykanka

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa hore u sheegay in Washington ay dooneyso “kobcin eber ah” (zero enrichment) oo ay sameyso Tehran.

Horaantii bishan, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa sheegay in heshiis kasta uu u baahan doono inuu ka hadlo gantaallada ballistic-ga iyo taageerada Iran ay siiso xulafadeeda gobolka. Laakiin Araghchi wuxuu sheegay in hadda wadaxaajoodyadu ku kooban yihiin arrimaha nukliyeerka oo keliya.

Wareegii labaad ee wadahadallada ayaa lagu soo gabagabeeyay Geneva 17-kii Febraayo, halkaas oo horumar la sheegay in la gaaray. Labada dal ayaa sidoo kale wadahadallo dadban ku yeeshay Oman horaantii bishan.

Araghchi wuxuu sheegay in wafdiga Iran ay diyaarinayaan qabyada heshiis ay ku jiraan qodobo dabooli kara walaacyada labada dhinac si loo gaaro “heshiis degdeg ah.” Wuxuu intaas ku daray in heshiiska cusub uu ka fiicnaan karo kii 2015 ee loo yaqaan Joint Comprehensive Plan of Action (JCPOA), oo lagu gaaray xilligii madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama.

Aragtiyo Kala Duwan

Si kastaba, qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa shaki ka muujiyay suurtagalnimada heshiis. Trita Parsi, madaxweyne ku xigeenka machadka Quincy, ayaa u sheegay Al Jazeera in Iran laga yaabo inay soo bandhigto soo jeedin ka fog waxyaabihii hore ay u oggolaatay, balse xitaa taasi laga yaabo inaysan ku filneyn.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in dalkiisu weli ka go’an yahay nabadda iyo xasilloonida Bariga Dhexe, balse ay si dhow ula socdaan tallaabooyinka Maraykanka.

Wareysi uu siiyay Al Jazeera, falanqeeye Mark Fitzpatrick ayaa sheegay in laga yaabo inuu jiro kala aragti duwanaansho istiraatiiji ah oo u dhexeeya Trump iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu.

Fitzpatrick wuxuu tilmaamay in maamulka Trump uu si gaar ah diiradda u saarayo hanjabaadda nukliyeerka, halka dowladda Israa’iil ay rabto istaraatiijiyad ballaaran oo lagu xakameeyo Iran. Wuxuu sheegay in haddii Trump helo waxa uu rabo ee ah “kobcin eber ah,” laga yaabo inuusan sii riixin dalabyo kale oo ay Israa’iil rabto.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.