Cumaan oo soo jedisay wadahadal cusub Iyo Iiraan ku gacansaydhay “Dan kama lihin la hadalka Maraykanka”

by Heemaal
1 minutes read

Trump wuxuu gobolka geliyay jahawareer sababo la xiriira mala-awaallo khiyaali ah oo qalloocan, waxaana hadda uu ka cabsi qabaa khasaarooyin dheeraad ah oo ku yimaada ciidamada Mareykanka, ayuu Larijani ku sheegay bartiisa X kadib mowjadda weerarrada Mareykanka iyo Israa’iil.

Dadka la dilay waxaa ka mid ah hoggaamiyaha ugu sarreeya ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei. Guddi hoggaan ku meel gaar ah ayaa la sheegay inuu dalka maamuli doono ilaa laga helo hoggaamiye beddela.

Axaddii, wasiirka arrimaha dibadda Cumaan, Badr Albusaidi, oo dhexdhexaadin ka waday wadahadallo u dhexeeyay Mareykanka iyo Israa’iil, ayaa sheegay in “albaabka diblomaasiyaddu weli furan yahay.”

Weli waxaan aaminsanahay awoodda diblomaasiyaddu u leedahay xallinta khilaafkan. Waxaan rabaa inaan si cad u sheego – albaabka diblomaasiyaddu weli wuu furan yahay, ayuu Albusaidi ku qoray bartiisa X.

Balse waaxaa isla markiiba ka jawaabay Cali Larijani oo ka tirsan golaha amniga qaranka ee Iiraan ayaa sheegay in dalku uusan dan ka lahayn wadaxaajood uu la yeesho Mareykanka.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.