“Dadkan lama heshiin karno”: Trump oo sheegay in Iiraan laba jeer ka baxday heshiisyo

Madaxweyne Trump oo caawa ka hadlay xafladd ayaa ku bilaabay “warbixin kooban” oo ku saabsan “Howlgalka Carada Weyn ee ka dhanka ah Iran”.

Maraykanku wuxuu sii wadaa inuu “hawlgallo dagaal oo baaxad leh” ka fuliyo Iran, ayuu yiri madaxweynaha, si meesha looga saaro khataraha ka imaanaya taliska Iran.

Waxa uu sheegay in Iran ay iska dhego tirtay digniinta Mareykanka oo ay “ diidday inay joojiso baacsiga hubka nukliyeerka ah”.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa ku eedeeyay maamulkii ka horreeyay ee Barack Obama inuu u oggolaaday Iiraan inay horumariso barnaamijkeeda nukliyeerka  taas oo uu u adeegsaday marmarsiiyo muhiim ah oo uu ku bilaabay dagaalka.

“Waxay ku socdeen waddadii ay si sharci ah ku heli lahaayeen [hub nukliyeer ah] iyada oo loo marayo heshiis si nacasnimo ah uu dalkayagu u saxiixay,” ayuu yiri Trump.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa markaas kadib sheegay in barnaamijka gantaallada Iran uu ahaa mid loogu talagalay in lagu difaaco horumarinta hubka nukliyeerka.

Trump waxa uu sheegay in markii uu Maraykanku ahaa dalka doonayay in arrintan la joojiyo, “qof walba wuu naga dambeeyay”.

Waxa uu sheegay in maamulka Iran oo ku hubaysan hubka nukliyeerka ah iyo gantaalada riddada dheer ay “khatar aan loo dulqaadan karin” ku noqon doonaan Bariga Dhexe iyo waliba shacabka Maraykanka.

“Ugu dambayn, waxaan hubinaynaa in nidaamku aanu maalgelin karin ama hoggaamin karin ciidamo ka baxsan xuduudahooda. Waxaan u maleynaynay inaan heshiis hayno, dabadeed way ka baxeen. Markaas ayay soo noqdeen, waxaan u maleynaynay inaan heshiis hayno, haddana way ka baxeen. Waxaan iri, ‘Dadkan lama heshiin kartaan.’ Waa inaan u sameynaa sida saxda ah.”

Si kastaba ha ahaatee, Oman, oo dhexdhexaadinaysay wadahadallada dadban ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iiraan, ayaa sheegtay in Tehraan ay samaysay tanaasulaadyo waaweyn oo ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeerka waxay diyaar u ahayd inay joojiso kaydinta yuraaniyamka la hodmiyey, isla markaana oggolaatay inay si weyn u khafiifiso yuraaniyamka hore loo hodmiyey.

Cumaan waxay sheegtay in labada dal ay “ku dhowaayeen” heshiis markii Maraykanka iyo Israa’iil ay weerareen Iiraan.

Related posts

USA oo u ogolaatay Israa’iil iib hub degdeg ah, iyo khaliijkii oo cidlo ku soo dhacay

Sacuudiga iyo Pakistan oo ka wada hadlay isku diyaarinta, dagaala iyo difaac wada jir ah

Xisbulah oo eryatay ciidamo Yuhuuda oo isku dayey hawlgal qarsoodi ah oo ay ka fulinayeen Lubnaan