Heemaal News Network

Dagaal Beeleed Dhimasho iyo Dhaawac Sababay Oo maanta ka Dhacay Deegaao ka Tirsan Saylac

Dagaal beeleed dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa maanta ka dhacay deegaanka Habaas ee degmada Saylac, waxaana uu dagaalkan u dhexeeyaa laba jufo oo ka soo kala jeeda beelaha Ciise iyo Gadabuursi oo halkaasi wada-dega.

Ma cada inta uu leegyahay khasaaraha halkaasi ka dhashay, mana jiro waxa war ah oo kasoo baxay asuuliyiinta degmada Saylac iyo xukuumada Somaliland.

Sidoo kale wararka aanu ka helayno deegaanadaasi ayaa sheegaya in uu wali socdo dagaalkaasi, waxaana socda gurmadyo labada dhinac ah oo ka kala socda oo ka anbabaxay Borama iyo dhiridhabe