Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sanadkii labaad oo xiriir ah jabisay rikoodhkeeda tirada dadka lagu fuliyo xukunka dilka, iyadoo ugu yaraan 347 qof la dilay sanadkan, sida ay sheegtay hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Reprieve, oo fadhigeedu yahay Boqortooyada Midowday ee UK.
Tiradaasi waxay ka badan tahay 345 qof oo la dilay sanadkii 2024, taasoo Reprieve ku tilmaantay “sanadkii ugu dhiigga badnaa ee la diiwaangeliyo tan iyo markii la bilaabay la socodka fulinta xukunka dilka ee Sacuudi Carabiya”.
Maxaabiistii ugu dambeysay ee la dilay ayaa ahaa laba muwaadin oo u dhashay Pakistan, kuwaas oo lagu helay dambiyo la xiriira daroogada. Sida ay sheegtay Reprieve, inta badan dadka la dilay sanadkan – ku dhawaad laba-meelood saddex meel – waxaa lagu xukumay dambiyo daroogo ah oo aan keeni karin dil sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, arrintaas oo Qaramada Midoobay ku tilmaantay mid ka soo horjeedda heerarka caalamiga ah.
Hay’addu waxay sheegtay in in ka badan kala bar dadka la dilay ay ahaayeen ajaanib, taasoo qeyb ka ah waxa ay ugu yeertay “dagaalka daroogada” ee boqortooyada.
Waxaa sidoo kale kamid ahaa dadka la fuliyay wariye, labo dhalinyaro ah oo carruur ahaa xilligii la xiray, iyo shan haween ah. Qaar ka mid ah dadka la xukumay ayaa la sheegay in dambiyadooda ay la xiriireen mudaaharaadyo iyo muujinta aragtiyo siyaasadeed.
Madaxa waaxda ciqaabta dilka ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika ee Reprieve, Maya Basyouni, ayaa sheegtay in nidaamka caddaaladda dambiyada ee Sacuudi Carabiya ay ku badan yihiin jirdil iyo qirasho khasab ah.
Waxay sidoo kale ku tilmaantay fulinta xukunka dilka “dagaal naxariis darro ah oo aan rasmi ahayn” oo lala beegsanayo dadka nugul iyo kuwa aan awoodda lahayn.
Talaadadii, Sacuudi Carabiya waxay fulisay xukunka dilka ee Issam al-Shazly, oo ahaa kalluumeysato dhalinyaro ah oo u dhashay Masar, kaas oo la qabtay sanadkii 2021, lana sheegay in lagu qasbay inuu daroogo soo geliyo dalka.
Reprieve waxay sheegtay in 96 ka mid ah dilalka sanadkan ay si gaar ah ula xiriireen xashiishadda.
Qaraabo la hadlay BBC, kuwaas oo ehelkoodu ku sugan yahay safka dilka, ayaa sheegay inay ku nool yihiin cabsi joogto ah. Mid kamid ah ayaa yiri:
Dhanka kale, inkastoo Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman uu sameeyay isbeddello bulsho sida u oggolaanshaha haweenka inay baabuur wadaan iyo furitaanka dalka, haddana hay’adaha xuquuqda aadanaha sida Human Rights Watch ayaa sheegay in diiwaanka xuquuqda aadanaha ee boqortooyadu weli yahay mid “liita”.
Khubarada Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo fulinta xukunka dilka, loona hoggaansamo shuruucda caalamiga ah, gaar ahaan ogeysiinta qoysaska, bixinta wakiil sharci, iyo daahfurnaanta habraacyada garsoorka.
Maamulka Sacuudiga ayaan ka jawaabin codsiyada BBC ee ku saabsan arrintan, hase yeeshee warqad ay u direen Qaramada Midoobay bishii Janaayo 2025 ayay ku sheegeen in Sacuudi Carabiya ay “ilaaliso xuquuqda aadanaha” isla markaana xukunka dilka lagu fuliyo oo keliya “dambiyada ugu culus” kadib marka la maro dhammaan heerarka sharciga.
