Dalal Muslim ah oo si Kulul u Cambaareeyey Talaabo ay Qaaday Israel

by Heemaaln
2 minutes read

Dalal dhowr ah oo Muslim iyo Carab ah ayaa si kulul uga falceliyay go’aanka ay qaadatay dowladda Israel ee ku saabsan xiritaanka Masjidka Al-Aqsa muddo 12 maalmood oo xiriir ah, xilli lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan. Dalalka sida cad uga hadlay arrintan waxaa ka mid ah Qatar, Urdun, Indonesia, Turkiga, Pakistan, Sacuudi Carabiya, Masar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen dalalkan ayaa lagu sheegay in go’aanka xiritaanka Masjidka Al-Aqsa uu yahay mid si cad uga hor imanaya sharciga caalamiga ah iyo heshiisyada ilaalinta goobaha cibaadada. Dalalkan waxay sheegeen in tallaabadaasi ay si gaar ah u beegsaneyso Muslimiinta ku nool magaalada Qudus, gaar ahaan xilliga ay dadka Muslimiinta ahi si weyn ugu soo qulqulaan masjidka si ay u gutaan cibaadooyinka bisha Ramadaan.

Waxay sidoo kale ku eedeeyeen Israel inay ku xadgudbayso xorriyadda diinta iyo xaqa ay dadka u leeyihiin inay si nabad ah ugu cibaadaystaan goobahooda barakaysan.

Dalalkan waxay si cad u muujiyeen in maamulka iyo ilaalinta Masjidka Al-Aqsa ay si sharci iyo taariikhi ah ugu xiran tahay waaxda Awqafta Islaamka ee hoostagta Urdun. Sidaas darteed waxay sheegeen in dowladda Israel aysan lahayn awood sharci ah oo ay ku maamusho ama ku xaddido dadka ku cibaadaysanaya masjidka.

Sidoo kale waxay ku adkeeyeen in dhammaan aagga Masjidka Al-Aqsa — oo ay ku jiraan barxadaha iyo meelaha ku hareeraysan — ay yihiin goob cibaado oo gaar u ah Muslimiinta, isla markaana ay tahay in la ixtiraamo xeerarka caalamiga ah ee ilaalinaya goobaha diimaha.

Dalalka bayaanka soo saaray waxay ugu baaqeen Israel in ay: Si degdeg ah u furto albaabbada Masjidka Al-Aqsa, Ka qaaddo xannibaadaha iyo ciidanka lagu kordhiyay hareeraha masjidka, isla markaana hubiso, Hubiso in dadka Muslimiinta ahi ay si xor ah ugu gutaan cibaadadooda

Waxay sidoo kale beesha caalamka ugu baaqeen inay cadaadis saaraan Israa’iil si loo ilaaliyo xaaladda taariikhiga ah ee goobaha barakaysan ee magaalada Qudus.

Israel ayaa dhankeeda sheegtay in xiritaanka Masjidka Al-Aqsa uu yahay tallaabo amni, iyadoo ku dooday in ay la xiriirto xiisadaha ka dhashay dagaalka iyo khilaafka kala dhexeeya Iran.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.