Sida uu bartiisa soo dhigay Prof. Mohammad Marandi oo ah siyaasi aad ula socda siyaasadda Iran iyo tan Bariga Dhexe, Carabta Khaliijka ayaa farriin ay u soo direen Iran ugu sheegay in ay laba bilood xayirayaan ceelasha saliidda, balse taa badalkeeda ay Iran ballan-qaado in aysan duqeyn doonin xarumaha shidaalka khaliijka.
Dawlada Iran ayuu sheegay in aysan wali wax jawaab ah ka bixin codsiga dalalka Carabta.