Dalalka Khaliijka Oo Mar-kale Bayaan Wada-jir ah kasoo Saaray Weerarada Iiraan.

Lix waddan oo Carbeed oo kala ah Sucuudiga, Imaaraadka Carabta, Jordan, Qatar, Kuwayt iyo Baxreyn ayaa markale soo saaray bayaan wadajira oo ay ku cambaareeynayaan weerarada Iiraan.

Bayaanka wadajirka ah ee dalalkan Carbeed ay soo saareen waxay ku sheegeen in weerarada Iiraan ay xadgudub cad ku yihiin madax banaanidooda.

Waday cambaareeyeen weeradada Iiraan, kuwa ay iyadu tooska u geysaneyso iyo kuwa dadban ee wakiiladeeda u marayso.

Waday sheegeen iney cambaareeynayaan weeradada kooxaha hubeysan ee Iiraan ay taageerto ay ka geysanayaan Wadanka Ciraaq.

Waxay sidoo kale bayaanka ku sheegeen iney cambaareeynayaan qorsheyaasha Xsbulaaah, waxayna sheegeen in qorsheyaashasi yihiin kuwo lagu doonayo in gobolka loogu soo jiido xasilooni daro.

Related posts

Maraykanka iyo israa’iiI Oo ka Saaray Liiska Bartilmaameedyada Gud.Barlamaanka Iyo Wasiirka A.Dibada Iran.

Shacab ka Carysan Xukuumada Ciro Oo Iskugu soo Baxay Hargeysa iyo Go’aanka barri.

Iiraan Oo u Ogolaatey Maraakiibta Spain iney si Xora u Mari karaan Marin Biyoodka Hormus.