Dalalka uu Trump Qeylo-dhaanta u Diray oo soo Hadlay

Shiinaha ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dhammaan hawlgallada millatari ee dhinacyada ku lug leh, kadib hadalladii uu jeediyay Donald Trump.

Raysalwasaaraha UK, Keir Starmer ayaa sheegay in dib u furista marinka Hormuz aanay ahayn hawl sahlan, balse uu “la shaqeynayo xulafada” si loo helo qorshe suurtagal ah.

Australia iyo Japan ayaa diiday inay u diraan maraakiibtooda dagaalka si ay u sugaan amaanka marin biyoodka Hormuz.

Wasiirka gaadiidka ee Australia Catherine King ayaa bayaan ay soo saartay maanta ku sheegtay in dalkeeda uusan u diri doonin maraakiibtiisa dagaalka ee marinka Hormuz.

“Marka Hormuz uma diri doonno maraakiib, waan ognahay sida ay muhiim u tahay, laakiin ma ahan wax nalaga codsaday mana ahan wax aan ku lug lahaaneyno” ayay tiri Wasiirka Gaadiidka oo la hadashay warbaahinta ABC.

Wasiirka gaashaandhigga Japan Shinjiro Koizumi ayaa baarlamaanka u sheegay “marka la eego xaaladda hadda ee Iran, ma lihin wax niyad ah oo aan ku qaadno howlgal amniga badda ah.”

Waxaa xusid mudan in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka codsaday NATO iyo dalalka xulafada la ah inay u soo diraan maraakiibtooda dagaalka si ay u sugaan marinka Hormuz.

Dhinaca kale Shiinaha ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dhammaan hawlgallada millatari ee dhinacyada ku lug leh, kadib hadalladii uu jeediyay Donald Trump.

Shiinaha ayaa sidaas uga jawaabay kaddib baaqii uu Trump u diray Shiinaha ee ku aaddanaa sugidda ammaanka marinka Hormuz.

Trump ayaa wareysi uu siiyay wargeyska Ingiriiska ee Financial Times ku sheegay inuu baajin doono kulankii uu qorsheeyay inuu la yeesho Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, haddii Beijing aanay gacan ka geysan arrintaas.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa yiri, isagoo ka jawaabaya su’aal ku saabsan hadalka madaxweynaha Maraykanka: “Diblomaasiyadda madaxda dowladuhu waxay leedahay door istaraatiiji ah oo aan la beddeli karin oo ku saabsan xiriirka Shiinaha iyo Maraykanka.”

Raysalwasaaraha UK, Keir Starmer ayaa sheegay in dib u furista marinka Hormuz aanay ahayn hawl sahlan, balse uu “la shaqeynayo xulafada” si loo helo qorshe suurtagal ah.

Wuxuu sidoo kale ku dhawaaqay gargaar dhan £53 milyan, si loo taageero dadka ay saameeyeen kororka qiimaha shidaalku, kaddib markii qiimuhu aad u kacay iyadoo ay sabab u tahay dagaalka Iran.

Tani waxay timid kadib markii Donald Trump uu sheegay in ay “mustaqbalka NATO aad u xumaan doonto” haddii xulafadu aanay ka qayb qaadan sugidda amniga marinkan muhiimka ah ee maraakiibta saliidda caalamka.

Wareysi uu siiyay Financial Times, madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in uu filayo in Shiinahu uu gacan ka geysto furitaanka marinka, wuxuuna intaas ku daray in uu dib u dhigi karo shir uu la yeesho hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping haddii aysan sidaas sameyn.

Related posts

Ilhan Cumar ”Dagaalka Trump ku Qaaday Iiraan $2 Bilyan ka badan ayaa ku Baxda Maalin kasta”

Madaxweynaha Iran Oo ka Hadlay Wada-hadal Uu la Yeeshay Dhigiisa Farance

Rag Hubaysan Oo Caawa Weerar ku Dilay Shan Askari Oo ka Tirsan Booliiska Iran.