Danmark oo isu diyaarisay weerar suurtagal ah oo ka yimaada Mareykanka

HNN: Ilo muhiim ah oo ku kala sugan Danmark iyo Yurub ayaa markii ugu horreysay shaaciyay wixii dhacay maalmaha ugu xasaasisan, xilli uu Donald Trump ku hanjabay inuu Grønland “si xoog ah” ula wareegi doono.

Bishii Janaayo ee sanadkan, askar Danish ah ayaa si degdeg ah loogu daadgureeyay Grønland. Waxay wateen walxo qarxa si ay u burburiyaan runway-yada ku yaalla Nuuk iyo Kangerlussuaq. Ujeeddadu waxay ahayd in laga hortago in diyaaradaha milatariga Mareykanka ay askar ka dejistaan jasiiradda, haddii Trump go’aansado inuu xoog ku qabsado.

Sidoo kale waxaa la geeyay dhiig laga soo qaaday bangiyada dhiigga ee Danmark, si loogu daweeyo dhaawacyada haddii dagaal dhaco.

Warbaahinta DR ayaa arrintan ogaatay kadib baaritaan socday sanad dhan, iyagoo la hadlay xubno sare oo ka tirsan dowladda Denmark, saraakiil milatari iyo ilo sirdoon oo ka kala yimid Danmark, France iyo Germany.

Ilahaasi waxay sawir ka bixiyeen xaalad aad u kacsan, oo leh habeenno hurdo la’aan ah. Inkasta oo aysan jirin caddeyn toos ah oo muujinaysa qorshe weerar oo Mareykan ah, haddana cabsi weyn ayaa jirtay in Mareykanku mar kasta weerari karo Grønland.

Isla waqtigaas, Danmark waxay xiriir la sameysay xulafadeeda Yurub, taasoo keentay midnimo iyo iskaashi sii xoogeysanaya.

Sarkaal sare oo Faransiis ah ayaa sheegay:
“Qalalaasahan Grønland wuxuu Yurub tusay in ay qasab tahay inay iyadu daryeesho amnigeeda.”

Danmark oo hoggaamineysa dadaallada difaaca

Mas’uuliyiin ka kala socda France iyo Germany ayaa sheegay in Danmark, wax yar kadib markii Trump la doortay, ay bilowday inay si qarsoodi ah taageero uga raadsato Yurub si looga hortago cadaadiska Mareykanka ee ku saabsan Grønland.

Taageeradaas waxaa laga raadiyay Paris, Berlin iyo sidoo kale dalalka Nordic. Ujeeddadu waxay ahayd in la dhiso isbahaysi Yurub ah oo difaaca wadaagga boqortooyada Denmark (Rigsfællesskabet).

Danmark waxay rabtay inay ka fogaato khilaaf toos ah oo Mareykanka ah, balse sidoo kale diyaar uma ahayn inay si fudud u oggolaato cadaadiska milatari ee Mareykanka haddii ay xaaladdu halkaas gaarto.

Sarkaal Faransiis ah ayaa yiri:
“Danmark waxay go’aansatay inay ciyaarta si dhab ah u gasho.”

Dalalka xulafada ah waxay muujiyeen taageero buuxda. France kaliya waxay diyaar u ahayd inay dirtto boqolaal askar ah, iyo sidoo kale taageero badeed iyo mid cirka ah haddii loo baahdo.

Xaaladda oo si lama filaan ah u qaraxday

Intii lagu jiray xagaaga dambe iyo dayrta 2025, xiisadda Grønland waxay ahayd mid hooseysa. Qorshuhu wuxuu ahaa in 2026 askar loo diro jasiiradda si loo muujiyo difaac adag.

Laakiin 3-dii Janaayo 2026, xaaladdu si degdeg ah ayay isu beddeshay markii Mareykanku weeraray Venezuela oo xilka ka tuuray madaxweynihii dalkaas.

Mid ka mid ah ilaha ayaa yiri:
“Halkaas ayay wax walba ka qarxeen.”

Arrintan waxay muujisay in Trump uusan kaliya hadlin, balse uu diyaar u yahay inuu ficil qaado.

Ciidamo si degdeg ah loo diray

Waqti aad u kooban gudaheed, koox hordhac ah oo askar ka kala socota Danmark, France, Germany, Norway iyo Sweden ayaa la geeyay Nuuk iyo Kangerlussuaq.

Kadib waxaa xigay ciidamo waaweyn oo ay ku jiraan cutubyo gaar ah sida Jægerkorpset iyo askar Faransiis ah oo ku tababaran dagaalka dhulka qabow.

Sidoo kale, diyaarado dagaal oo Danish ah iyo markab dagaal oo Faransiis ah ayaa loo diray Waqooyiga Atlantik.

Ujeeddo: in Mareykanka laga reebo tallaabo militari

Ujeeddada ugu weyn waxay ahayd in haddii Mareykanku rabo inuu Grønland qabsado, uu khasab ku noqdo inuu qaado tallaabo cad oo cadowtinimo ah taasoo kordhinaysa qiimaha siyaasadeed iyo midka milatari.

Tani waxay ahayd xeelad looga hortagayo in Mareykanku xitaa isku dayo.

Sarkaal Danish ah ayaa yiri:
“Ma aanan arag xaalad sidan oo kale ah tan iyo 1940.”

Markii Denmark la qabsaday Dagaalkii Labaad ee Adduunka, dowladdu ma aysan dagaallamin. Laakiin markan, qorshuhu wuu ka duwanaa.

Askarta Danish waxaa la siiyay rasaas iyo amar ah inay dagaallamaan haddii weerar dhaco. Diyaaradaha F-35-na waxay ahaayeen kuwo si buuxda u hubeysan.

Inkasta oo la ogaa inaysan suuragal ahayn in la iska caabiyo awoodda Mareykanka, haddana ujeeddadu waxay ahayd:
“In Mareykanka lagu qasbo inuu bixiyo qiimo sare haddii uu tallaabo qaado.”

Ma ahayn layli—waxay ahayd xaalad dhab ah

Inkasta oo hawlgalkan dibadda loogu sheegay inuu yahay layli militari oo la yiraahdo “Arctic Endurance”, haddana xaqiiqadu waxay ahayd mid ka duwan.

Sarkaal kale ayaa yiri:
“Tani ma ahayn layli. Waxay ahayd arrin dhab ah.”

Ma aha wax caadi ah in layliyo lagu qaato dhiig iyo walxo qarxa taasi waxay muujineysay diyaar garow dagaal.

Su’aalaha waaweyn iyo cabsida mustaqbalka

Lama oga waxa dhici lahaa haddii Mareykanku weerar qaado.

Sarkaal Jarmal ah ayaa yiri:
“Waa nasiib wanaag inaanan u baahnayn inaan ka jawaabno su’aasha ah: ma dagaallami lahayn mise maya?”

Haddii Mareykanku weerari lahaa Grønland iyadoo ciidamo NATO ay joogaan, waxay su’aal gelin lahayd dhammaan nidaamka xulafada caalamiga ah.

Trump oo dib u laabtay

21-kii Janaayo, Trump wuxuu sheegay inuusan adeegsan doonin awood militari, inkastoo uu weli ku adkeystay in Mareykanku “u baahan yahay” Grønland.

Safiirka Mareykanka ee Danmark ayaa sheegay in Mareykanku uusan qorsheynayn weerar militari, balse ma uusan caddeynin haddii qorshayaal hore ay jireen.

Mustaqbal aan la hubin

Qalalaasahan wuxuu muujiyay isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda caalamiga ah.

Sarkaal Faransiis ah ayaa yiri:
“Yurub waa inay dib u barato sida awoodda loo isticmaalo.”

Waxaa sidoo kale la sheegay in kalsoonidii xulafada ay sii wiiqmeyso.

Inkasta oo xaaladdu hadda degan tahay, haddana ilo Danish ah ayaa ka digaya:
“Tani weli ma dhammaan. Xiisaddu way soo laaban kartaa.”

Heemaal News Network

Related posts

TV-Norwey oo booqaday saldhigyadda Kurdida diyaarka u ah in ay weeraraan Iiraan.

Pete Hegseth: Hogaanka sarre Iiraan hadda joogaa waa ku meel gaadh

FBI oo baaritaan ku bilowday Joe Kent, akhriso waraysi uu kaga hadlay xaaladahan