Dawlada Qadar Oo si Kulul u Canbaareysay Beegsiga Israel Ee Kaabayaasha Tamarta Iran.

Dowladda Qadar ayaa Canbaareysay weerar ay Israal ku qaaday wershed Shidaal iyo xarumaha tamarta Iran taasoo halis gelinaysa adduunka iyo gobolka.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, Majed Al-Ansari, ayaa sheegay in beegsiga Israa’iil ee xarumaha Xarunta South Parsoo uu yahay tallaabo khatar ah oo mas’uuliyad darro ah, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha militari ee gobolka.

Wuxuu sidoo kale ka digay in weerarrada kaabayaasha tamarta ay halis ku yihiin amniga tamarta caalamka, isla markaana ay saameynayaan shacabka iyo deegaanka gobolka.

Qatar ayaa ku baaqday in dhammaan dhinacyadu muujiyaan is-xakameyn, u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah, isla markaana ka shaqeeyaan dejinta xiisadda si loo ilaaliyo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Related posts

Qatar Oo Caawa la Kulmay Weerarkii Ugu Halista Badnaa tan iyo Markii uu Dagaalka bilowday

Sirdoonka Mareykanka Oo Sheegay In Iran ay ka Faa’iideysanayso Dilka Cali Khamenei.

Dawlada Iraq Oo Sheegtay in la Weeraray Saldhiga Ciidanka Cirka Ee Ciraaq.