Dawlada Qatar Oo Xaqiijisay in Iran aysan Weerari Doonin kaabayaasha dhaqaalaheeda.

Dawlada Qatar ayaa xaqiijisay in Iran aysan weerari doonin kaabayaasha dhaqaalaheeda.

Sida ay warinayaan warbaahinta Bariga dhexe oo ay ka mid tahay midda Israel, Iran kaliya weerar doontaa Saldhigyada Mareykanka iyo ingiriiska ee Qatar, waxaana ay nabadgelineysaa kaabayaasha dhaqaalaha Qatar.

Qatar waxa ay ogolaatay in $6Bilyan doolar oo Iran uga xayiran Bangiyada Qatar la fasaxo heshiiskaas kaddib.

Iran oo beegsata Qatar waxa u dambeysay 19kii bishan,heshiiska ka hor.

Laga billaabo 24ka March waxaa dib loo furay Bangiyada, Suuqyada Ganacsiga, Iskuullada iyo Xafiisyada Dowladda.

Qatar hadda waxa ay heysataa xasillooni halka dalalka deriskeeda ah holcayaan.

Related posts

Jabuuti Oo Sare u Qaadday Xoojisay ilaalinta Marinka Muhiimka ah Ee Baabul-Mandab.

Iiraan oo Qiratay In Gantaal ka khaldamay Uu 6 Qof Ku Dilay Ciraaq

Iiraan oo Faahfaahisay Tirada Ganataalada ay ku Weerartay Israa’iil iyo Goobaha Ay Beegsatay..