Denmark ayaa uga digtay Mareykanka faragalinta uu ku hayo dhulka Greenland, islamarkaana ugu baaqday inuu ixtiraamo madax-banaanideeda dhuleed ka dib markii Donald Trump uu ergay gaar ah u soo magacaabay Greenland, oo ah ismaamulka Danishka oo uu madaxweynaha Mareykanka horay ugu hanjabay inuu la wareegi doono.
Gelinkii dambe ee Axadii, Mr Trump wuxuu ku dhawaaqay inuu u magacaabay siyaasiga Mareykanka Jeff Landry inuu noqdo ergaygiisa gaarka ah ee Greenland.
Wasiirka arrimaha dibadda Denmark (Lars Lokke Rasmussen) ayaa sheegay inuu aad uga carooday tallaabadaas.
Midowga Yurub ayaa sheegay in ay waajib tahay in la ilaaliyo midnimada dhuleed ee (Boqortooyada) Denmark.
Hogaamiyayaasha Danmark iyo Greenland ayaa marar badan ku adkaystay, in jasiiradda wayn ee Arctic aanay iib ahayn, oo ay iyadu ay leedahay go’aanada ku aadan mustaqbalkeeda.
