Dhallinyaradu ma u gabowdaa si ka dhakhso badan sidii hore?

by Heemaal
4 minutes read

Inkasta oo aynu maanta noolaano muddo ka dheer, haddana cilmi-baarayaal badan ayaa aaminsan in jidhku uu si ka dhakhso badan sidii hore u daalo.
Waxaa jira calaamado muujinaya in da’da bayoolojigalka ee daalka jidhku, ay si dhakhso leh ugu kordhayso jiilalka cusub.

Cudurradu waxay ku dhacayaan da’ yarta

Dad badan, da’da bayoolojiga ah iyo da’da ku qoran waraaqahoogu waa isku mid, balse qaar kale da’dooda bayooloji ayaa dhowr sano ka horreysa ama ka dambaysa. Da’da bayoolojiga ahi way kordhi kartaa ama way yaraan kartaa, iyadoo ku xiran sida aan u noolaano.

Cudurradii hore badanaa ugu dhici jiray dadka waayeelka ah,  sida kansarka, wadne-istaagga (heart attack) iyo sonkorowga nooca 2-aad ayaa hadda ku dhacaya dad da’ yar, sida ay sheegeen cilmi-baarayaal ka tirsan Jaamacadda Yale. Cilmi-baarayaal badan ayaa aaminsan in arrintan ay si weyn ula xiriirto cayilka.

In cunug uu yeesho cayil waxay keeni kartaa dhibaatooyin caafimaad oo waqti gaaban iyo mid dheerba leh. Waxay kordhin kartaa halista sonkorowga nooca 2-aad, neefta (asthma), dhibaatooyinka murqaha iyo lafaha, cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga, dhiig-karka iyo caqabado dhanka maskaxda ah. Sidoo kale waxay leeyihiin khatar sare oo ah inay noqdaan dad cayilan marka ay weynaadaan.

Arrimo saameyn kara geeddi-socodka gabowga

1.) Cayil iyo miisaan badan:

  • Daraasad cusub oo ka timid Jaamacadda Gøteborg ayaa muujisay in BMI sare iyo jirdhis liita dhammaadka dhalinyaranimada ay la xiriiraan caabuqyo bakteeriyo oo halis ah mustaqbalka nolosha.
  • Koox cilmi-baarayaal ah oo Isbaanish ah ayaa ogaatay in dadka cayilan iyo kuwa leh da’ bayooloji oo sare ay inta badan leeyihiin barar (inflammation) baahsan iyo dhaawacyo suuragal ah oo ku dhaca xubnaha sida kelyaha, lafaha, wadnaha iyo xididdada dhiigga.

Sidaas darteed, dad badan ayaa halis ugu jira inay galaan nolosha qaangaarnimada iyaga oo jidhkooda ku leh “gabow dheeraad ah”.

2.) Cadaadis (Stress):

  • Daraasad la sameeyay 2022 ayaa sheegtay in cadaadisku daciifiyo difaaca jirka. Sida daraasadda lagu sheegay, cadaadisku wuxuu sababaa in difaaca jirku si dhakhso leh u gabowdo, taas oo kordhin karta halista kansarka, cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga, iyo cudurrada ka dhasha caabuqyada.
  • Daraasad kale ayaa muujisay in da’da bayoolojiga ah ay kordhi karto marka qofku ku jiro cadaadis, balse ay dib ugu noqon karto sidii hore haddii cadaadiska la yareeyo.

3.) Kalinimo:
Daraasad la sameeyay 2022 ayaa lagu ogaaday gabow degdeg ah oo ka muuqda dadka dareema farxad-darro iyo kalinimo.

Saameyn toos ah oo ku timaadda gabowga

Geir Selbæk, oo ah agaasimaha cilmi-baarista ee Xarunta Qaranka ee Gabowga iyo Caafimaadka  ee Norwey, ayaa wargeys u sheegay in cayilku keeno isbeddello ka dhaca heerka unugyada, kuwaas oo loo yaqaan “astaamaha gabowga” (hallmarks of aging).

– Isbeddelladani waxay noqon karaan barar hoose oo joogto ah, koror ku yimaadda unugyada gaboobay (unugyada gabowga/zombie cells) iyo hoos u dhac ku yimaadda shaqada mitokondriyada.
– Tani waxay xoojinaysaa aragtida ah in cayilku si toos ah u saameyn karo geeddi-socodka gabowga, ayuu Selbæk u sheegay wargayska.
– Hase yeeshee, xiriirka ka dhexeeya cayilka iyo gabowga bayoolojiga ah ee kordha waxaa suuragal ah in ay sobobaan arrimo badan, kuwa toos ah iyo kuwa dadbanba.

Cadaadis ka badan sidii hore

Daraasado badan ayaa muujinaya in cadaadisku sidoo kale dedejin karo gabowga.
Sanadihii u dambeeyay, cilmi-baarayaashu waxay arkeen koror ku yimid cadaadiska haysta dhalinyarada qaangaarka ah marka loo eego jiilalkii hore.

Cilmi-baaris hore ay muujisay xiriir ka dhexeeya cadaadis joogto ah iyo gabow degdeg ah, gaar ahaan dadka waaweyn. Isla maqaalkaas ayaa xusay daraasad lagu ogaaday in dhalinyarada cadaadiska badan ay dareemaan inay u muuqdaan kuwo ka weyn da’dooda, gaar ahaan maalmaha ay dareemaan in ay waayeen xakamaynta noloshooda.

Cilmi-baarayaal badan ayaa sidoo kale tilmaamay xiriir ka dhexeeya isticmaalka badan ee taleefannada gacanta, cadaadis kordhay, hurdo-la’aan iyo calaamadaha niyad-jabka, gaar ahaan dhalinyarada.

Mid ka mid ah natiijooyinka ugu waaweyn ee daraasad ku saabsan isticmaalka mobilada ee dhalinyarada ayaa ahaa in dhalinyarada dareema inay mar walba diyaar ahaadaan ay halis sare ugu jiraan dhibaatooyin caafimaad oo maskaxeed.

Kalinimo sii kordheysa

Daraasado qaar ayaa sidoo kale muujinaya in go’doon iyo kalinimo ay sababi karaan gabow degdeg ah. Waxaa kordhay tirada dhalinyarada iyo dadka da’da yar ee dareema kalinimo muddo ka dib.

Dadka ugu badan ee dareema kalinimo waxay ku jiraan da’da 18–24 sano. Boqolkiiba 23.3 ee kooxdaas ayaa sheegaya inay dareemaan kalinimo. Kooxda da’da 25–44 sano, boqolkiiba 19.1 ayaa sheegay inay kalinimo dareemaan. Natiijooyinka ugu waaweyn ayaa ahaa koror ku yimid dhibaatooyinka maskaxda ee ay soo sheegaan dhalinyaradu tobannaan sano ee la soo dhaafay. Sida warbixintu sheegtay, cadaadiska la xiriira dugsiga, hurdo-la’aanta iyo kalinimada ayaa u muuqda sababo macquul ah oo keena kororkan.

Sida uu sheegay Geir Selbæk, da’da bayoolojiga ah badanaa waa cabbir ka wanaagsan inta cimri ee qofka u hadhay, ama halista uu u leeyahay cudurrada la xiriira gabowga, marka loo eego da’da taariikheed (chronological age).

Isla mar ahaantaasna, wuxuu adkeeyay in xiriirka ka dhexeeya gabowga iyo arrimaha qaab-nololeedka uu yahay mid adag oo isku murugsan.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.