Digniin laga soo Saaray Dagaal dhinaca Tamara oo aduunka ka dhacda.

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Madaxa International Energy Agency, Fatih Birol, ayaa ka digay in dunidu wajahday dhibaato tamareed oo ka sii daran kuwii waaweynaa ee shidaalka ee dhacay sanadihii 1970-meeyadii iyo sidoo kale saameyntii dagaalkii Russia ku qaaday Ukraine.

Isagoo ka hadlayay munaasabad warbaahineed oo ka dhacday Canberra, ayuu Birol sheegay in qalalaasaha ka dhashay dagaalka u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil iyo Iiraan uu ka weyn yahay laba jeer dhibaatooyinkii shidaalka ee 1973 iyo 1979 iyo yaraantii gaaska ee ka dhalatay dagaalka Ukraine marka la isku daro.

Wuxuu sheegay in xiritaanka marinka muhiimka ah ee Hormuz iyo weerarrada lagu qaaday xarumaha tamarta ay hoos u dhigeen sahayda shidaalka adduunka qiyaastii 11 milyan oo foosto maalintii, taasoo ka badan laba jibbaar yaraantii la arkay sanadihii 1970-meeyadii.

Sidoo kale, sahayda gaaska dareeraha ah (LNG) ayaa hoos u dhacday qiyaastii 140 bilyan mitir kuyuub, marka la barbar dhigo 75 bilyan oo mitir kuyuub oo yaraaday kadib duullaankii Ruushka ee Ukraine.

Birol wuxuu intaas ku daray in ugu yaraan 40 xarumood oo tamareed oo ku kala yaalla sagaal dal ay si weyn u burbureen intii uu socday khilaafkan.

Wuxuu sheegay in dhaqaalaha caalamka uu wajahayo halis aad u weyn, isla markaana uu rajaynayo in xal degdeg ah laga gaaro xaaladda.

Madaxa IEA ayaa sidoo kale muujiyay walaac ah in baaxadda dhibaatada aan si buuxda loo fahmin, taasoo keentay inuu si cad uga hadlo arrintan toddobaadkii hore.

Hay’adda IEA, oo xarunteedu tahay Paris, ayaa horey u shaacisay qorshe lagu sii daynayo 400 milyan oo foosto oo shidaal ah oo kayd degdeg ah si loo yareeyo saameynta.

Waxay sidoo kale soo jeedisay tallaabooyin lagu dhimayo isticmaalka tamarta, sida kordhinta shaqada meel fog laga qabto, wada raacista gaadiidka, iyo dhimista xawaaraha waddooyinka waaweyn.

Birol wuxuu sheegay in xalalka kale la baarayo, oo ay ku jirto sii deynta kayd shidaal oo dheeraad ah, balse xalka ugu muhiimsan uu yahay in dib loo furo marinka Strait of Hormuz, kaasoo caadi ahaan mara qiyaastii shan meelood meel sahayda shidaalka iyo gaaska LNG ee adduunka.

Qiimaha shidaalka ayaa kor u kacay in ka badan 50% tan iyo markii uu dagaalku billowday 28-ka Febraayo, iyadoo Iiraan ay si wax ku ool ah u xanibtay marinkaasi.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Iiraan siiyay 48 saacadood oo kama dambeys ah si ay u furto marinka, haddii kale la beegsan doono kaabeyaasha korontada, waqtigaas oo ku egyahay Isniinta fiidkii ee Maraykanka.

Dhanka kale, Iiraan ayaa ku hanjabtay inay si buuxda u xiri doonto marinka, isla markaana ay weerari doonto kaabeyaasha tamarta iyo biyaha ee gobolka haddii weerarro lagu qaado xarumaheeda korontada.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.