23
Waxa goor-dhawayn Isbitaalka wayn ee magaalada Borama la soo gaarsiiyay maydka nin caawa fiidkii lagu dilay Deegaanka Jaaraahorato ee Degmada Baki ee gobolka Awdal.
Ma-jirto wax war ah oo ku saabsan dilka ninkan oo kasoo baxay laamaha amaanka ee Gobolka Awdal, balse waxaa la sheegay inay ku Hawlan-yihiin soo qabashada gacan ku dhiiglaha Sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Majirto Xog intan ka Faahfaasan balse Waxii kasoo kordha xogta dilkan kala soco halkan.