Ma Run-baa Dilka Netanyahu..?

by Heemaaln
2 minutes read

Arrinta ku saabsan masiirka Netanyahu weli waa mid ay dad badan shaki ka qabaan, balse ma aha arrin mudan in si xad dhaaf ah loogu mashquulo,taasina waxay la xiriirtaa dhowr sababood:

Dalalka sida Israa’iil, Ruushka, Shiinaha iyo Kuuriyada Waqooyi waxay leeyihiin nidaamyo xukun oo si gaar ah loogu diyaariyey xaaladaha dagaalka, si looga hortago kala daadasho gudaha ah. Sidaa darteed, marka ay ku jiraan xaalad dagaal, waxay adeegsadaan siyaasad adag oo lagu xakameynayo xogta, gaar ahaan arrimaha xasaasiga ah sida xaaladda hoggaanka. Haddii xitaa ay dhacdo in hoggaamiye la dilo, badanaa si degdeg ah looma shaaciyo, si looga hortago saameyn taban oo ku timaada niyadda shacabka iyo ciidanka.

Dalalkan waxay hore u sii diyaarsadaan hannaan lagu maareeyo wararka noocaas ah. Mararka qaar waxaa la kaydiyaa muuqaallo ama fariimo hore oo lagu muujin karo hoggaamiyeyaasha, si loogu jawaabo sheegasho kasta oo la xiriirta dil ama dhaawac. Xilligan casriga ah, oo ay tiknoolajiyada AI-ga awood u yeelatay inay wax badan ka dhigto kuwo dhab u eg, arrintan waxay sii noqotay mid aad u fudud in la maareeyo.

Nidaamka Israa’iil, gaar ahaan, wuxuu leeyahay astaamo u gaar ah oo ka duwan dalal badan. Sidaas darteed, ma aha wax sahlan in si degdeg ah loo ogaado xaqiiqada dhabta ah ee gudaha ka jirta.

Tusaale ahaan, markii Ciraaq ay gantaallo ku weerartay Israa’iil sannadkii 1991, waxaa jiray khasaare muuqda oo gaaray. Si kastaba ha ahaatee, xogta dhabta ah ee ku saabsan khasaarahaas iyo faahfaahinta dhacdooyinkii dhacay 17-kii Janaayo 1991, si buuxda looma helin ilaa sannadkii 2020,taas oo ka dhigan ku dhawaad 29 sano ka dib. Tani waxay muujinaysaa sida Israa’iil ay dadaal weyn ugu bixiso inaysan si fudud dibadda ugu bixin xogaha xasaasiga ah, isla markaana ay u maareyso dhacdooyinka si ka duwan sida muuqaalka dibadda laga filayo.

Sidaas darteed, haddii xaqiiqada dhabta ahi aysan si degdeg ah u soo bixi karin, waxa muhiim ah in diiradda la saaro waxa ugu muhiimsan oo ah sida uu dagaalkani ku dhammaanayo, markaa oo la fallanqeynn karo cidda dhab ahaantii guulaysatay.

Iman Jamac

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.