Dowlada Federalka Oo Xabsi-guri gelisey Taliyihii Asluubta Gen.Shub Ee Maanta xilka laga qaaday

Dowladda Federaalka ayaa xabsi-guri gelisey Taliyihii Asluubta Gen.Shub ee maanta xilka laga qaaday, waxayna Dawlada Somaliya ku eedeysay inuu fasax la’aan u socdaalyey Itoobiya ka dibna uu gaaray maamulka Koonfur Galbeed Somaliya.

Ciidan Booliis ah oo uu Hogaaminayo Sarkaal lagu magacaabo Mooshin ayaa la dul dhigay Taliyihii Asluubta ee maanta xilka laga qaaday Gen Mahad Shub.

Xubno ka tirsan qoyska Taliyaha ayaa xaqiijiyey in Gen Mahad laga dhigay xabsi Guri islamarkaana laga qaaday ilaaladiisii marka laga reebo 5-kamid ah oo loogu reebay in ay u adeegto.

Tallaabadan ayaa timid isla saacado kadib go’aankii xil ka qaadista, iyadoo aan weli si rasmi ah loo shaacin sababaha ka dambeeysay xilka qaadista.

Arrintan ayaa dhalisay hadal-hayn xooggan, iyadoo la filayo in faahfaahin dheeraad ah ay soo baxdo saacadaha soo socda.

Related posts

Shiinaha Oo Markii ugu Horreysay soo Bandhigay Nidaam Difaac Oo ka Hortagi kara Drone Badan.

Netanyahu Oo ku Dhawaaqay Inay Ballaarinayaan Khadka Aagga Amniga Ee Bariga Dhexe

Somaliland Oo War kasoo Saartay Saamaynta Dagaalka Bariga Dhexe Iyo Kororka Shidaalka iyo Meceeshada